U bood dhigaalka

Dhalinyarada Hirshabeele Oo Hambalyo Iyo Codsi U Soo Diray Wasiir Xamse Saciid

Sheeko:Cayaaraha

Qaar ka mid ah dhalinyarada Hirshabeele oo la hadlay Goobjoog Sports ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Wasiir Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse,iyagoo sheegay in lala helay booska ugu saraysa isboortiga Soomaaliya ayna ka sugayaan in uu is badal weyn kaga tago mudada uu joogo Wasiirada Isboortiga.

Geesta kale dhalinyarada ayaa Wasiir Xamse Saciid Xamsa ka dalbaday in booqasooyinka kala duwann ku tago magaalooyinka Hirshabeele,si maamulkiisa uu wax ugu qabato cabashooyinka iyo garoomo la’aanta ka jirta deegaanada Hirshabeele.

Si kastaba dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa hami weyn ka qaba Wasiir Xamse Saciid,iyagoo ku faraxsan jagada loo magacaabay ee Wasaarada iyo ciyaaraha iyo dhalinyarada Sooomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle