U bood dhigaalka

Dhalinyarada ku dhaqan degmada Hobyo oo ka cabanaya Shaqo la’aan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Hobyo
Hobyo

Dhalinyarada ku dhaqan degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa ka cabanaya shaqalo la’aan baahsan oo muddo haysay.

Magaalada Hobyo ayaa ah magaalo xeebeed, waxaana horay uga faa’ideysan jiray dadka halkaasi ku dhaqan, hase ahaatee wixii ka dambeeyay soo ifbaxa magaca Burcad Badeed ayeey xaaladda isbedashay, maxaa yeelay waxay awoodi waayeen dhalinyarada  in badda ay ka kaluumeystaan.

Muddo badan ka dib waxaa dhawaan halkaasi kusoo xirtay doon yar oo u rarneyd ganacsato Soomaali ah, waxaana dejinta doontaasi ka faa’ideystay dhalin yaro aan sidaasi u badneyn.

Dhalinyaradaan qaarkood oo u waramay Goobjoog Fm, waxay sheegeen in caqabadaha ugu daran ay tahay in aysan geli karin badda, oo waxay ka baqayaan maraakiibta shisheeye, sababtuna ma ahan in ay iyaga dhibaato badda ka wadaan, laakiin magaca Burcad Badeed ayaa dhibaato ku reebay dhalinyaradaan.

Waxay faa’ido muhiim ah u arki karaan in Dekada Hobyo ay si caadi ah u shaqeyso, waxaana ay ka heli karaan shaqooyin badan oo noloshooda wax badan ka bedala.

Marka laga soo tago shaqo la’aanta ay ka cabanayaan dhalinyaradaan, waxa ay hadana yihiin kuwo ku haminaya mar un in ay ka faa’ideystaan qeyraadka badaasi iyo sidoo kale shaqada ay qabato Dekada Hobyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News