U bood dhigaalka

Dhalinyarada ku nool Muqdisho oo la sheegay in ay wajaheen shaqo la’aantii ugu darneyd (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Isku taga Urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in xilligaan dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho ay soo wajahday shaqo la’aan aad u daran.

Maxamed Cismaan oo ah gudoomiyaha Ururkaan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in heerka shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaarsiisan tahay meeshii ugu sareysay.

Sababaha arintani soo dedejisay ayuu sheegay in dalka aanu lahayn Warashadihii loo shaqeyn lahaa, iyo shirkado waaweyn, sababta ugu weynna ay taasi tahay.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in weli aysan gaarin heer dhalinyarada Soomaaliyeed ay u samayso shaqo abuur, isaga carabka ku dhuuftay in aanu jirin nidaam dowladeed oo dhalinyarada ku shaqo helaan.

Gudoomiye Maxamed Cismaan ayaa dhinaca kale sheegay in jaamacaha ku yaala magaalada Muqdisho aanay jirin kuwo leh kuliyadihii shaqooyinka muhiimka u ahaa, sida badda iyo xanaanada xoolaha oo aan sidaa u badneen, isaga oo sheegay hadii dhalinyarada ay soo baran lahaayeen lasoo bixista qeyraadka dalka in faa’ido muhiim ah la heli lahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News