U bood dhigaalka

Dhalinyarada Muqdisho Qaarkood Oo Bilaabay Curinta Suugaan Lagu Baraarujinayo Gurmad Iyo Gargaar

Sheeko:Dalka

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka qeybqaadanayaan barnaamijka Gurmad iyo Gargaar si loogu gurmado Soomaalida ku dhibban dalka Yemen, iyadoo cid walba wixii ay awoodi karto uga qeybqaadanayso gurmadkaan.

Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood oo ka qeybqaadanaya ololahaan ayaa waxay bilaabeen curinta suugaan ay ku baraarujinayaan shacabka Soomaaliyeed, si ay uga qeybqaataan Gurmad iyo Gargaar.

Axmed Nuur waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaasi, Goobjoog News ayuu uga sheekeeyay waxa ku kalifay curinta suugaantaan, iyo sida shaqsi ahaan uu u dareemayo gurmadkaan la wado.

Waxa uu tilmaamay in isaga uu isku dayay marar badan in afka uu uga qeybqaato gurmadka loo sameynayo Soomaalida Yemen, islamrkaana maankiisa ay kusoo dhaceen suugaan badan oo ku saabsan sidii loogu gurman lahaa shacabkaasi dhibban.

“Cid walba oo Soomaaliyeed kaalin baa kaga aadan in ay ka qaadato sidii shacabkeeda ku dhibban Yemen ay usoo badbaadin lahayd, Af iyo Adin intaba, anigane si aan u baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed ayaan u curiyay suugaan badan” ayuu yiri Axmed.

Dhinaca kale mar uu tiriyay Gabay uu isaga shaqsi ahaan diyaariyay ayuu ku muujiyay sida shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay xilligaan wax bixinta iyo isku gurmashada.

“Cid kastoo Rabbi wax siiyoo hasaluugin maanta, musaafir baan ku nahay dunida waan ka soconaaye, siraadkiyo qiyaamuhu wey ina sugayaan” gabayga uu tiriyay ayuu sidaasi ku sheegay Axmed Nuur.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban Soomaali badan kuwaasi oo u baahan in gurmad loo fidiyo, iyadoo uu socdo dadaal lagu soo badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News