U bood dhigaalka

Dhalinyaro Dalxiis U Tagtay Magaalada Baladweyne Oo Ka Mid Ah Magaalooyinka Qadiimiga Ah Ee Dalka Oo Ka Sheekeyay Waxyaabihi Ay Kula Kulmeen Magaalada

Sheeko:Amniga

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay caan ku tahay qudaarta kala duwan oo ay beertaan dadka deegaanka ku ah gobolka, in kasta ay sannadkan qudaarta soo go’day ay ka tiro yartahay muddoyinkii hore.

Sababta ay qudaarta ugu yartahay suuqyada magaalada ayay beerlaeydu ku sheegeen in ay biyaha oo wabiga ee soo fatahay ay dhowr jeer xaalufiyeen tacabkii beeraha ee la sugayay guristooda.

Beertan aan booqannay isla markaana uu leeyahay Maxamed Dhicis Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah haddana barta cilmiga beeraha, ayaa waxaa ka baxa nuucyada kala duwan ee qudaarta sida Afakaadho, baradho, liin bameelmo, liinta kale oo laba nuuc ah iyo muuska oo isna dhowr nuuc ka kooban..

Wabiga oo aan beerta ka fogeyn ayaa laga waraabiya, waxaana sannadkaan laga filayaa in ay ka soo go’do qudaar ka tiro badan intii hore…Maxamed Dhicis oo mas’uul ka ah beertaan ayaan ku booqday isaga oo ka shaqaynaya, waxaana uu iiga warramay nuucyaada kala duwan ee qudaarta uu beero, iyo waxyaabaha yareeya qudaarta soo go’da…

Maxamed Dhicis, maalmo ka hor ayaa baraha bulshada lagu faafiyay isaga oo beeray baradho oo naadir ay tahay in dalkeena lagu abuuro, si aan arrintaa u xaqiijinno ayan wax ka weydiinay run ahaanshiyaha beerita Baradha, waxaana uu ii sheegay in uu dhowr kiilo ka soo gooyay dibna uu berrta ugu celiyay haddana ay tahay xillgii 2aad oo ka miro sugayao.

          Hoos ka daawo Muuqaalka Warbixin ay goobjoog ka diyaarisay Magaalada.