Dhalinyaro Ku Dhaqan Ceelwaaq oo Ka Cabanaya Waxbarasho La’aan

Qaar ka mid Dhalinyaradan oo ku dhaqan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in halka ay ku nool yihiin ayan jirin goobo waxbarasho oo dhisi kara Mustaqbalkooda.

Maamulka Dowlada ee Gobolkaasi ayay ka dalbadeen in wax laga qabto dhibaatooyinka ay ka cabanayaan ee xaga waxbarasho la’aanta.

Magaalada Ceelwaaq ayaa ku taala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waana magaalo aysan galin wadooyin wanaagsan oo ku xira dalka intiisa kale.

Ibraahin Aadan Muuse oo ka mid ah dhalinyarada Ceelwaaq ayaa sheegey in waxbarasho la’aanta ay saameyn xun ku leedahay dhalinyarada , waxa uu si gaar ah u codsaday in waxbarashada dugsiga sare gacan laga siiyo dhalinyarada deegaanadaasi.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW