U bood dhigaalka

Dhalinyaro Maanta Socodka Rajada Ka Bilaabaysa Gaarisa, kuna Wajahan Mandheera

Sheeko:Dalka

Magaalada Mandhera ee gobalka Waqooyi bari Kenya waxaa maanta socod dheer oo lug ah ka bilaabaya maanta oo Sabti ahdhalinyaro Soomaaliyed, balse muddo halkaasi ku nool, kuwaasi oo lug ku tagi doona magaalada Mandheera, iyaga oo socodkooda ku sheegay inuu yahay midkii rajada.

Mid ka mid ah dhalinyaradaan oo u waramay laanta Afka Soomaalida ee BBC ayaa ku sheegay micnaha socodkoodaan inuu yahay sidii ay u muujin lahaayeen in ammaan ay tahay magaalooyinka gobalka Waqooyi Bari Kenya, islamarkaana ay lugeyn doonaan in ka badan 500-Km.

“Anaga socodka Rajada waxaan ku tagaynaa magaalada Mandhera, waxaana saaka ka bilaabaynaa Buundada magaalada Gaarisa, socodkaan waxa uu uljeedkiisa yahay sidii aan ku xaqiijin lahayn in ammaanka guud ahaan gobalka Waqooyi bari uu hagaagsan yahay, meeshana ay uga baxdo in amni xumo ay jirto”

Gobalka Waqooyi Bari Kenya waxaa ka jiray falal amniga kasoo hor jeeda, waxaana halkaasi dhowr jeer weeraro ka geystay Xarakada Al-shabaab, iyadoo taasi ay keentay in ciidamada Kenya ay aad u adkeeyaan amniga gobalkaasi.

Goobjoog News