U bood dhigaalka

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil xalay dhalinyaro Soomaaliyeed loogu gaystay gudaha dalka Koonfur galbeed, xilli ay ku sugnaayeen xarumahooda ganacsi.

Dhalinyarada dilka loo gaystay oo ahaa laba ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar, kuwaas oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiga u jooga dalka Koonfur Afrika.

Dilka dhalinyaradaan ayaa yimid kadib markii kooxa burcad Koonfur Afrikaan ah ay weerar ku soo qaadeen gooba ganacsi oo ay dhalinyaradaan ay lahaayeen.

Laammaha ammaanka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay oo ku taalla xaafadda Kalija Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika.

Goobjoog News