U bood dhigaalka

Dhallinyaradii Koolada Ku Isticmaali Jiray Wadooyinka Muqdisho Oo u Billaabatay Nolol Cusub (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Burburka iyo dowlad la’aanta ka jirtay Soomaaliya  muddo ka badan 20 Sano ayaa u horseeday in dhallinyaro iyo caruur aad u da yar ka mid noqdaan kuwa aan nasiibka u yeelan xanaanada iyo waxabarshada uu qofka xaq u leeyahay.

Qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradaan ayaa ka mid noqday kuwa isticmaala waxyaabaha maanka Dooriya, oo ugu horeyso Xabagta (Koolo)   misane dhibaatooyin badan la kulma.

Cabdi Sheekh Nuur waxa uu ka mid yahay dhallinyarada hada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya,  waxa uu ii sheegay in isticmaalka xabagta uu ilaa 10 sano ku guda jiray isticmaalkeeda.

“Toban sano ayaan ku guda jirnaa Dib jirnimada, dhib maahee Dheef kalama kulanno, wax kasto Rafaad iyo Nolol xumo, Annaga Balwad ayaan iska isticmaalnaa Lambar Afar ayaan joognaa, aniga waxaan jeclahay inaan Nolashaan ka baxo, aan shaqeysto”

“Waxaan Dareemayaa markii aan arko asaagey oo iga nolol wanaagsan, waxna baranaya calool xumo iyo ciil, laakiin waxaan ku hamiyaa in Aan nolashaan ka baxo, waxaan eegaa asaagey ku socda gaariga, anna waxaan is dhahaa goormee ayaad sidaan oo kale noqon doontaan, waana rajeynayaa in horumaradaasi gaaro” ayuu yiri Cabdi Sheekh.

Waxaa jirta Dhallinyaro badan oo haray ay deegaan ugu ahayd wadooyinka magaalada Muqdisho, walibana isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, balse nasiib u yeeshay inay ka mid noqdaan kuwo noloshaada ka saaray wixii ay horay usoo mareen, fursadna u helay inay waxbartaan.

Maxamed Maxamuud Nuur Yarow waxa uu isna ka mid yahay dhallinyaro isticmaali jirtay waxyaabaha maanka dooriya, hadda waxa uu ka mid yahay koox dhallinyaro ah oo helay dhaqan gelin.

Waxa uu sheegay in nolol ahaan uu hadda aad u faraxsan yahay, maadaama uu helin hoy wanaagsan, cunto nadiif ah iyo waxbarasho, maskaxdiisana laga saaray waxyaabihii uu isticmaali jiray sida Koolada ama wax la mid ah.

“Xiliga hada iyo kii Hore Farqi weyn ayaa u dhaxeeyo waxaad dareemaysaa sida aad u jeedid qofka marka uu duurgal Noqdo  nolasha in Dhibaatooyin Badan ay leedahay oo Tooreey iyo Bir kugu dhacayso, mararka qaar adiga oo laamiga jiifa ayaa la’is xabadeenaa, adna dhibaato ayaa kaa soo gaaraysa, marka nolosha darbi jiifka ma ahan wax wanaagsan, hadda waxaan haystaa nolol aad u wanaagsan marka loo eego wixii aan soo ahaan jiray, waan ku qanacsanahay noloshaan cusub”

“Qof walba nasiib ayuu leeyahay, annaga oo koox saaxiibo ah, meel aan aadno garan la, xaaladana nagu culustahay ayaa ilaahay ina soo aadiyay marwada madaxweynaha Mama Sahra, halkaan ayeey na keentay, run ahaantii nolol aanan waligeen ku fikirin ayaan aragnay, waxaan ka damqanayaa wiilasha aniga camal ah oo weli noloshii adkeyd ku jira, waxaan ugu baaqayaa inay is soo dhiibaan oo soo xaroodaan ayna nala qeybsadaan noloshaan macaan” ayuu yiri Maxamed Maxamuud.

Ma ahan arrin aad u sahlan in maskax wiil dhallinyaro ah muddo badanna is ticmaalaysa waxyaabaha maanka dooriya dib loo soo celiyo sida ugu dhaw, balse waxaa jirta dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad uga damqaday walaalahooda dhibka haya, una istaagay in ay ku dadaalaan in maskaxda dhallinyaradaasi noqoto mid hagaagsan.

Mubaarak Sheekh Ibraahim Cali waa maamulaha xarun lagu dhaqan celiyo caruurta Isticmaasha xabagta (Koolada) oo dhawaan ay marwada madaxweyne Xasan Sheekh ka hirgelisay magaalada Muqdisho, waxa aan weydiinnay bal sida ay ugu suurta gashay in tiro dhallinyaro badan ah ay dhaqan celin u sameeyaan.

“Caruurtaan aad baan uga damqannay, waxaa soo uruuriyay ciidamada Booliiska, qaarkoodna wey isa soo dhiibeen si iskood ah markii ay arkeen asxaabtooda oo nolol xur ah helay, kana baxay wixii hore, iyagana ay cidlo soo dareemeen, dhammaantood hadda halkaan ayeey wada joogaan, culeys badan waan kala kulannay heentooda iyo celcelintooda intaba haba ugu darnaateen maalmihii ugu horeysay oo ay nolosha la qabsanayeen laakiin hadda sidii hore aad baday u dhaamaan”

“Hadii ay sii socotyo dhallinyarada sidaan oo kale ah, waxyaabo badan ayeey keeni lahaayeen, sida dhibaateynta shacabka, iyo inay ka qeybqaataan burburka dalka, xalka muhiimka waxa uu noqonayaa in Gacanta lagu soo dhigaa  qollyinka Daroogada ka Ganacsato iyo kuwa kusoo dhaweeyay Carruurta  isticmaalka Mandooriyaha iyagane dhaqan celin loo sameeyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Mubaarak.

Hadii qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu dhexda u xirto in uu wax u qabto caruurta ku dhibban wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaa hubaal ah in la heli lahaa dal caruurtiisa ku kora maskax fiyow.

Tusaale qoys walba oo Soomaaliyeed hadii uu isku dayo inuu hal canug wadada ka kaxeeyo kuna darro caruurtiisa, siiyana waxa uu ilmahiisa siinayo waxaa la heli lahaa dhallinyaro wada aqoon leh, iyo aqoonyahanada berry, waxaana dhab noqon lahayd in Soomaalida ay tahay kuwo is jecel.

W/D:- Ibraahim Xaaji Yuusuf

Hoos ka arag sawirada laga soo qaaday caruurta la xanaaneynayo

DSC_0117 DSC_0112 DSC_0103 DSC_0099 DSC_0088 DSC_0079 DSC_0078 DSC_0039 DSC_0050 DSC_0052 DSC_0059 DSC_0060 DSC_0071 DSC_0076 DSC_0004 DSC_0003 DSC_0002 DSC_0130 DSC_0125 DSC_0124