U bood dhigaalka

Dhallinyarada Muqdisho Oo Dalbaday In Amnigooda La Sugo

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah dhallinyarada Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah iskugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo dowladda ka dalbanayay in ay ilaaliso nabadgelyadooda, xilli ay kordheen dilalka Magaalada oo lala beegsanayo dhallinyarada.

Isku soo baxaan ayaa ka dhacay Isgoyska KM5 ee Zope, waxaa uuna imaanayaa xilli maalintii Khamiista aheyd Isgoyska Banaadir lagu dilay Maxamed Sheekh Cali oo ahaa wiil ganacsade ah kana mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee Muqdisho.

Sawirrada dibad-baxyaasha ayaa lagu baahiyahay baraha Internet-ka iyo baraha bulshada ay ku xariirto waxaana hal ku dhig looga dhigay “Nabadgelyo Ma Heysanno” .

 

Qof ka mid ahaa dibad-baxyaasha oo diiday in Magaciisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta oo Goobjoog News la hadlay ayaa yiri “Waxaan dooneynaa in aan ogaanno sababta loo dilo dhallinyaradeenna, Maxaa loo beegsadaa aqoon-yahankeenna iyo dhallinyaradeenna horumarka sameynaya”.

Ilaa iyo hadda Booliska kama aysan hadlin dilkii xaqdarrada ahaa ee loo geystay mid ka mid ahaa dhallinyaradii Aas-aastay shirkadda start-up ee Muqdisho kana soo laabtay qurbaha.

Magaalada muqdisho ayaa dhowaan marti gelisay dilal, halka Kiisaska qaar laga aamusay marka laga reebo dadka waxyeellada ay soo gaartay shalay ayeyd aheyd Markii kooxo hubeysan ay degmada Yaaqshiid ay ku dileen qof ka dib markii ay ku fureen xabado.

Goobjoog News