U bood dhigaalka

Dhallinyarada Puntland Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Ka Socda Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Dallada guud ee dhalinyarada Puntland ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaal beeleedka ka socda gobalka Sool, gaar ahaan deegaanka Qorilley.

Gudoomiyaha dallada dhallinyarada Puntland Aweys Axmed iyo ku xigeenkiisa Farxaan Axmed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhalinyarada Puntland  ka xun yihiin colaaada islamarkaana diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan nabadaynta dhinacyada dagaalamaya.

“Waxaan diyaar u nahay inaan nabadda ka qeybqaadanno, waxa dhamaanaya waa dhallinyaradii, ma ahan in hadda nala kala yareeyo, waa in aynu is uruursanaa, waa in aan gacmaha is qabsannnaa oo la joojiyaa colaadda” ayuu yiri Gudoomiye Aweys

Sidoo kale gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland ayaa sheegay in nabadda ay tahay sheyga kaliya ee dadka iyo duunyada anfacaya, hadii Nabad la waayana aysan jiri doonin meel la harsado.

Deegaanka Qorilley ee gobalka Sool iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobalkaasi waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay dagaal beeleed sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac baahsan.

Goobjoog News