U bood dhigaalka

Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Shaqo La’aan, Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Sheeko:Dalka

Iyadoo dunidu ay maanta u dabaal degayso maalinta shaqaalaha addunka ee 1-da May ayaa  hadana waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku sugan xaalad shaqo la’aan taas oo ka dhigtay in nolsha dalkan ay u arkaan mid adag.

Sida ay aaminsan yihiin badi dhallinyaro aan kula kulmay Magaalada Muqdisho , shaqooyinkii ay mudnaayen dhalinyaraddu ma helaan  waxaana ay ii sheegeen in  shaqooyinka Dowladda Federaalka ka banaan la isku shaqaalaysiiyo nin tooxsi oo aan aqoon la isku qaadanin.

Axmed Maxamed waxa uu dhameeyay waxbarashada darajadda 1-aad ee jaamacadda mana hayo wax shaqo ah waxa uu ka waramayaa xaddiga ay la egtahay shaqo la’aanta jirta iyo sida ay u saamaysay dhalinyaradda wax baratay.

“Waxbaan barannay dhibaatada na haysa waa shaqo la’aan, dhallinyarada 80% shaqo ma haystaan waxayna taasi keentay inay tahriibaan, magaalada waxaa kusoo batay ajaaniib fara badan, waxay shaqaaleysiiyeen ajaaniib ay wadankooda ka keensadeen, cid ka damqaneysana ma jirto”

Cabdullahi Axmed waxa uu ka shaqeeyaa dhismaha guryaha , mana jirto iminka shaqo uu haayo.

Waxa uu ku sheegay sababta taasi ay u dhacday in guud ahaan  shaqaale turkia ay la wareegeen shaqooyinkii ay qaban jireen taasna ay noloshiisa saamayn ku yeelatay.

“Annaga markii hore shaqadeena joogto ayeey ahayd, laakiinse hadda malahan shaqo badan sababtoo ah dhismaha aan hayna Turki baa la wareegtay”

Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo la hadlay Goobjoog News waxa uu  qirsan yahay inay shaqo la’aan ka jirto dalka , hase ahaate waxa uu iswaydiinayaa wasiirku sida ay u sahlanaan karto in laga hortago tahriibka dhalinyaradda iyagoo lacag ku dhow 10 kun ku qarash garaynaya.

“Shaqadu wey yartahay, laakiinse adiga ayaan ku su’aalayaaye qofka 10 kun doolar ku maray badda cas qofkaasi shaqo miyuu raadsanayey mise dadnimo xumo iyo naftii halignimo u galay shaqadaasi, sida warbixinnada ku qoran qof walbo waxa uu isticmaalayey qarash dhan 10 kun oo doolar, 18 jirka haysta 10-ka kun doolar waxaan aaminsanahay in noloshiisa iyo mustaqbalkiisa u haysto meel uu ku wajaho, wadanka go’doon kuma jiro wax soo saarka dalka wuu shaqeeyaa, rajo xumo ma jirto, amni xumo ma jirto, laakiin dadnimo xumo ayaa jiri karta”

Maxamed Cismaan Xaaji waa guddoomiyaha ururka isku tagga shaqaalaha Soomaaliyeed ayaan waydiiyay waxa uga qorshaysan  inuu ka qabto shaqooyinka ay qaban karaan Soomaalida ee ajaanibtu ay qabanayaan.

“Waxaan ugu bishaareynayaa shaqaalaha Soomaaliyeed inaysan jiri doonin in qof shaqaale Soomaaliyeed ah shaqo uu qaban karo qof Ajnabi ah uu qabto, wasaaradda shaqada waxay go’aamisay inaysan dhicin qof shaqaale Ajnabi la siiyo ruqsadda shaqo qof Soomaali ah qaban karo, waana howl billow ah oo aan is leenahay inay dhameyn doonto in shaqaale Ajnabi ah qabtaan booskii shaqaale Soomaali ah qaban lahaayeen”

Amman dari , Shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo ka jirta dalka ayaa la aaminsan yahay inay sabab u tahay qulqulka dhalinyaradda ka tahriibaysa dalka , hadaba wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane nuux ayaan su’aalay waxa dhiiragelinaya in dhalinyaradeenu ay dalka ka tahriibaan.

“Dadku markay meel u tahriibayaan Labo waa mid in meesha ay ka jirto amni xumo uu ku noolaan kari waayo iyo waxyaabo la xiriira diimaha, Cunsuriyad iyo wixii la mid ah, meelaha ugu badan waa intaasi, laakiin dhallinyaradan hadda tahriibtay waxaa ku kallifay wuxuu ahaa wacyigooda oo aan dhisneyn iyo fikrado aan ku habooneyn oo dhallinyaradu iska dhaadhicisa oo ah in dhallintu aaminsanyihiin Tahriibka oo markii dal kale tagaan u sheegeen dhallintii kale in dallado janno ah gacanta darsanayaan”

Hadda oo dalku ay ka jiraan ururro u dooda xuquuqda shaqaalaha ayaa waxaa la dareemayaa dadaal dheer oo ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed iyo kuwa dowladda u shaqeeya oo iyaguna la daala dhacaya mushaar la’aan .

Waakan markale Gudoomiyaha ururka isku tagga shaqaalaha Soomaaliyeed oo ka hadlaya arintaasi.

“Ururka shaqaalaha oo uu la shaqeeyo wasaaradda shaqada iyo 8-da urur shaqaale loo sameeyo aqoonsi la yaqaano in ciidamada lala hadlo ciidamada dalka jooga oo kallumeysatada Soomaaliyeed ay badahooda sida ay rabaan uga kalluumeystaan”

Si kastaba weli waxaan muuqan xuquuq badan oo ay helaan shaqaalaha Soomaaliyeed, waana hubanti haddii dhalinyaradda tahriibaysa ay helaan shaqo wanaagsan oo aan lagu samaynin nin jeclaysi ay ka baaqsadaan tahriibka.

W/D: Munsar Maxamed Cabdi

Goobjoog News