U bood dhigaalka

Dhallinyaradii Laga Soo Daayey Xabsiga Liibiya Oo DFS Ka Filaya Shaqo Abuur

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dhallinyaradii laga soo daayey xabsiyada Liibiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay rajo aad u wanaagsan ka muujiyeen in dowladda federaalka shaqo abuur u sameyso, si dalkooda uga shaqeystaan.

C/waasac Jaamac waxa uu ka mid yahay dhalinyaradan oo deggan guri looga kireeyey magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in hadda uu aad ugu faraxsan yahay joogista dalkiisa.

“Liibiya markaan joogay waxaan la noolaa cabsi badan iyo dareen, hadana si farxad ah baan ku joogaa, hadda Waa ayaa ii baryey, waxaan ahay qof noloshiisa hadda dib Kow uga soo bilaabay, waxbaa ii hirgalay waxna waan sugayaa” ayuu yiri C/waasac.

Dhanka kale, C/kariin Axmed oo isna dhallinyaradan ka mid ah ayaa u sheegay Goobjoog News, in isaga iyo dhallinyarada kale ay soo dhoweyn wanaagsan kala kulmeen dhanka dowladda federaalka, loo abuuray shaqo oo dhowaan ay bilaabi doonaan.

“Dhallinyaradii qaar waxay u tageen waalidkooda, kuwa kalena deegaan ayeey Muqdisho ku noqdeen sida aniga iyo kuwo kale oo saaxiibadey ah, dowladda Federaalka aad baan ugu mahadcelineynaa, wey na garatay daruufteenna iyo inaan magaaladan ku cusubnahay, shaqo ayeey inoo abuurtay, dhowaanna waan galeynaa” ayuu yiri C/kariin.

Waxay hadda u muuqataa in dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyey dalkooda, kadib markii ay dowladda federaalka kasoo deysay xabsi ku yaalla Liibiya, iney ku qancanayaan iney dalkooda ka shaqeystaan.

Goobjoog News