U bood dhigaalka

Dhallinyaro Lagu Eedeeyey Iney Shacabka Muqdisho Dhici Jireen Oo Lagu Saoo Bandhigay Degmada Warta Nabadda

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Laba Ruux oo dhallintayo ah kuwaassi oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen Shacabka ku nool xaafado ka tirsan degmadaasi.

Raggaan lasoo bandhigay ayaa watey Bistoolado been abuur ah oo laga sameeyey Alwaax, waxaana  sidoo kale goobta lagu soo bandhigay qaar ka mid ah taleefannadii ay dadka shacabka ah ka dhaceen.

Goobta lagu soo bandhigayay raggaan waxaa ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Warsame iyo saraakiil ciidan.

Guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay soo qabteen Labadan wiil, islamarkaana ay keeneen xarunta degmada.

“Shaqada wanaagsan ee ay qabteen shacabka waxaan rabnaa inaan uga mahadcelinno, waxayna la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, waxay soo qabteen buracddan iyaga ayaana xarunta keenay” ayeey tiri Seynab.

Ugu dambeyn, duqa Muqdisho oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn u mahadceliyey shacabka soo qabtay dhallinyaradan, dhanka kalena wuxuu sheegay raggan maxkamad lasoo taagi doono.

Goobjoog News