U bood dhigaalka

Dhallinyaro Maalmo u Xirnaa Ciidamada Itoobiya Ee Degmada Ceelbuur Oo Lasii Daayay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in lasii daayay dhalinyaro ku dhawaad 5 cisho u xirnaa ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo laga soo xiray deegaanka Ceel-qooxle ee duleedka degmadaasi.

Dhalinyaradaan ayaa tiro ahaan gaaraya 10 ruux, waxaana in lasii daayo dadaal badan ku bixin saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur Cabdi Xasan oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay dhalinyaradaasi, islamarkaana ay u tageen taliska AMISOM oo ay ka dalbadeen in lasii daayo.

“Markii hore 10-kaan dhalinyarada ah waxaa laga soo qabtay Ceel-qooxle, waxaana lagu tuhmay in xiriir ay la leeyihiinAl-shabaab, balse dib ayaan u fasaxnay, xaaladoodana aad bay u wanaagsan tahay” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dhalinyaradii xabsiga laga sii daayay oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin, dib inay u helaan xurriyadooda, iyaga oo u mahad celiyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee degmada Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa 1-dii bishaan waxa ay howlgal ay ku dhinteen Afar qof oo shacab ah ka sameeyeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobalka Galgaduud.

Goobjoog News