U bood dhigaalka

Dhammaadka Muddo Xileedka Hey’adaha Dastuuriga ah, Doorasho La’aanta iyo Aamusnaanta Saamileyda

Sheeko:Amniga

Maanta waa 9-ka February 2021-ka, waxaa 8-dii bisha dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hoggaaminayey dalka 4-tii sano ee lasoo dhaafay halka baarlamaanka federaalka labadiisa aqal uu waqtiga dastuuriga ah ka dhacay 27-kii December ee sanadkii hore.

Sidaa ay tahay,  dalku malaha guddi doorasho oo wadar oggol ah, waxaana horay u fashilmay dhammaan jadwaladdii doorasho ee la sameeyey, waxaa intaa wehliyo kalsooni darro saamileyda ah iyo in laga digay hannnaano isbarbar socda, hal qeyb fuliso ama muddo kordhin sharci darro ah.

Fashilka Dooraho Qof iyo Cod ah:

Madaxweynihii waqtigu ku dhacay ee Farmaajo, waxaa loo doortay si uu dalka uga dhigo doorasho qof iyo cod ah, oo ay qabtaan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, si ay taasi u suurogasho waxaa heshiis lagu gaaray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah shir ay madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka ku yeesheen Baydhabo June 2018-kii.

Si loo qabto doorasho noocaas ah waxaa heshiiska ku jiray in la isku furo Muqdisho iyo Baydhabo, in AMISOM la geeyo Galmudug lana xoojiyo ladagaalanka Al-shabaab, in la mideeyo canshuuraha dalka, kor loo qaado dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Doorasho Dadban:

Markii uu maamulka Farmaajo ku guuldareystay dhammaan arrimahaas oo la gaaray 2020-ka, waxaa kullamo looga hadlayo doorashada lagu qabtay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ka dhashay in la isku raacay doorasho dadban oo la mid ah tii 2016-kii laga qabto dalka, heshiiskaas oo madaxdu isku afgarteen 17-kii September waxaa uu baarlamaanka ansixiyey 24-kii isla bishaas halka uu madaxweynihii xilligaas ee Farmaajo uu saxiixay November 14, 2020-kii.

Waxaa xusid mudan in heshiiskaas uu la socday jawdal doorasho oo dhigayey in madaxweyne la doorto 8-dda February 2021-ka, laakin nasiib darro waxaa uu fashilmay kadib markii uu Farmaajo magacaabay guddi doorasho oo ay ku jiraan shaqaalihiisa, ciidamo iyo taageerayaashiisa khaaska ah, arrintaas oo ay iska diideen musharaxiinta, maamul goboleedka, beelaha iyo dhammaan  saamileyda, waxaana ay qaarkood ku hanjabeen iney magacaabi doonaan guddi kale oo doorasho, isla markaana ay qaban doonaan doorasho kale.

Xilli isqabqabsi uu socdo, dalkuna horay u socon la’yahay, laguna muransan yahay hannaanka doorashada ayey golaha shacabka ansixiyeen qaraar Lr 20 oo dhigayey in waxa ay ugu yeereen hey’adaha dastuuriga oo ay ku jiraan xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka ay joogaan ilaa laga helay kuwoo badala, arrintaas su’aalo laga keenay sharci ahaanteeda iyo iney noqon karto xeelad ama qorshe waqti kordhin iyo in kale.

Shirkii Dhuusamareeb 4:

Si dalka horay loogu wado, Puntland iyo Jubbaland ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedka, waxaa uuna Dhuusamareeb ka furmay February 3, saddex maalin uu socday waa lagu kala tagay, waxaana kasoo cararay madaxweynii federaalka ahaa ee Farmaajo halka maamul goboleedyadii ay muddo sii joogeen, iyada oo markii dambe mid weliba uu maamulkiisa ku laabtay juuq la’aan.

Musharaxiinta Doorashada:

Golaha Midawga Musharixiinta oo hadal soo saaray 8-dii bishan ayaa sheegay in maalintaas laga bilaabo Farmaajo aysan ugu yeeri doonin madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya , kadib markii sida ay sheegeen madaxweeynuhu ku fashilmay in uu dalka ka qabto doorasho.

Beesha Caalamka:

Xubnaha saaxiibada Soomaaliya ayaa isniintii, waxaa ay ku baaqeen in shir la isugu yimaado, waxaa ayna hoosta  ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Mareykanka

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu baaqay in shir degdeg la isugu yimaado, kuna booriyey hoggaanka dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada iney ka shaqeeyaan danaha dalka iyaga oo intaas raaciyey in ismariwaaga siyaasadeed uu hakiyey ladagaalanka Al-shabaab, horumarkii dhaqaale isla markaana uu saameeyey ladagaalanka musiibooyinka oo ay ku jirto cunni yarida.

Midowga Yurub:

Madaxa arrimaha dibadda ee midowga Yurub Josep Borrell oo walaac ka muujiyey xiisadda jirta ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbaleyn hannaan kasta oo isbarbar socda,  hal dhinac ah,  ama lagu kordhinayo howlaha hadda loo xilsaaray hay’adaha, oo aan ahayn farsamo ahaan, loona qaadan doono dib u dhac xoog leh,

Golaha ammaanka:

Dhankooda, golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kulan ka yeelan doona xiisadda cusub iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay codsatay dowladda Ingiriiska ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu dhacay muddo xilkeedkii Farmaajo 8-dii bishan iyo iyada oo ay mucaaradka sheegeen in aaney sharci aheyn joogistiisa, oo aaney aqoonsaneyn

Isku soo wada duub, iyada oo xaaladdu sidaa tahay, waxaa aamusan xal mooday madaxweyne waqtigiisu dhammaday ee Farmaajo, guddoonka labada gole, maamul goboleedyda iyo golaha wasiirrada, lamana oga halka uu dalku u dhaqaaqi doono.

Goobjoog News