U bood dhigaalka

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo Saakay Laga Dareemaayo Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan Danab ayaa saakay dhaqdhaqaayo ciidan waxaa ay ka wadaan gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada degmada Owdheegle oo dhawaan ay la wareegeen.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaayo ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii Alshabaab ay ugu saari lahaayeen gobalka, howlgalka ay wadaanna uusan joogsan doonin ilaa gobalka gacanta ay ku dhigaan.

Wararka laga helaayo Owdheegle ayaa tibaaxaya in ciidamadu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo, ayagoo mararka qaar ay ridayaan rasaas aad u badan.

Degmada Owdheegle ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka dhawaan ay gaareen ciidanka xooga dalka, gaar ahaan kuwa danab oo howlgallo ka wada gobalka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News