U bood dhigaalka

Dhaqaalihii Lagu Qaban Lahaa Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Oo La Hayn

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxeynaha mamulka Hirshabelle ayaa sheegay in aysan xilligan hayn dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada madaxweynaha ee mamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddigan Abukar Xasan Cali ayaa u sheegay Goobjoog News, in howsha qaban qaabada doorashada ay meel wanaagsan marayso, balse weli aanay hayn dhaqaalihii howlahaasi lagu furdaamin lahaa.

Waxa uu sheegay Abukar in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dalbadeen iney ka caawiso dhanka dhaqaalaha balse weli aanay wax jawab ah ka helin.

Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Hirshabelle ayaa sheegay in dhaqaale la’aan aanay u hakun doonin doorashada oo 12-ka bishan doorashada ku dhici doonto sidii loogu talo galay.

Goobjoog News