U bood dhigaalka

Dhaqaatiirta Aan Xuduuda Laheyn Oo Dhaqaatiir Looga Dilay Gobalka Tigrega

Sheeko:Amniga

Ururka dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa sheegay in dhaqaatiir looga dilay gobalka Tigre kadib markii ay dagaalo cusub ka qarxeen gobalka maalmihii la soo dhaafay .

Kooxda ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay in seddax ka mid ah howl wadeenadeeda lagu dilay Tigre Khamiistii .

Isku duwaha xaaladaha deg degga ah Maria Hernandez, kaaliyaha isku duwaha Yohannes Halefom Reda iyo darawalka Tedros Gebremariam Gebremichael ayaa la sheegay in meydookada la helay kadib saacado la weysana.

“Waxaan ku cambaareyneynaa weerarkan lagu qaaday asxaabteena sida ugu macquulsan ayaan u baari doonna  wixii dhacay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay  MSF.

Bayaanka ka soo baxay Dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa sidoo kale lagu yiri  “Ma jiro ereyo aan si dhab ah u soo gudbin karna murugadeena, naxdinta iyo carada aan ka qabno weerarkan argagaxa leh, mana joojin doonno gurmadka aan ka wadno Itoobiya “.

Kadib markii xukuumadda Abiy ay sheegtay in la aga adkaday TPLF bilawgii sanadkan, Maalmihii la soo dhaafay ayeey soo laba kacleeyen Jabhadda iyagoo qabsaday magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka waqooyiga dalka Itoobiya ku yaallo ee Tigre .

GoobJoog News