Dhaqamada U Gaarka ah Doorashooyinka Mareykanka, Dameer iyo Maroodi Astaamo u Kala ah Labada Xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga

Doorashooyinka Mareykanka ayaa waxaa aad loo ilaaliyaa caadooyin facweyn oo in muddo ah lagu soo dhaqmayay dadka qaarna layaab ku noqoneysa, ku darso nidaam doorasho oo aad u dhib badan inuu ka jiro dalkaas, taas oo codbixin dadban lagu doorto murashaxa xilka madaxweyne u tartamaya xisbi kasta, doorashada waxaa waajib ah iney dhacdo Talaadada Koowaad ee ugu horreysa bisha November oo Isniin ka dambeysa.

Caadooyinkan ayaa aad u facweyn in muddo ahna lagu soo dhaqmayay, qaarkood waxay salka ku hayaan arrimo dhanka xilliga ah , halka kuwo kalena ay salka ku hayaan dhaqanka diineed ee dadka halkaasi dagani u badnaayeen; hadaba waxaan eegaynaa qaar ka mid ah dhaqmada u gaarka ah doorashooyinka Mareykanka.

Maantinta Talaadada ah

Waxaa caado ka ah dalka Mareykanka madaxweynenimo in doorashooyinka la qabto maalin Talaado ah kadib Isniinta Koowaad ee bisha November, waana go’aan Congress-ka Mareykanka ka soo baxay sanadkii 1845-ta. Mareykanka ayaa waagaa ahaa dal ku tiirsan beeraha, dadkiisuna ay beeraaley u badnaayeen, sidaa darteed dadka siyaasiyiinta ah ayaa go’aamiyay in bilowga xilliga Dayrta doorashada la galo, markaas oo dadka beeraaleyda ah ay mirihii gurteen, ku darsoo xilligaas oo kale cimiladu aad ayay u wanaagsan tahay oo baraf farabadani ma da’o.

Maalinta Talaadada ah waxaa si  gaar ah loogu xushay in ninka Beeraleyda ah ay u suurogasho inuu maalinta Axadda ah Salaaddiisa uu soo tukado (Diinta ay aaminsanayeen oo u Badneyd Masiixi darteed), kadibna uu maalinta Isniinta ah uu safar u soogalo xarunta doorashada ka dibna uu si aan degdeg ahayn uu maalinta Talaadada ah u soo gaaro xarunta doorasho oo uu markaa u codeeyo cidda uu rabo, iyadoo xilligaa gaadiidka la adeegsadaa ahaa fardo, goobaha doorashaduna ay ahaayeen meelo kooban.

Congress-ku waxa uu uga fogaaday maalinta koowaad ee bisha November iney tahay darteed maalin ciid u ah masiixiyiinta reer galbeedka oo ay u tahay dabaaldagga ciidooda quduusiyiinta.

Dameerka Demuqraadiga ah iyo Maroodiga Jamhuuriga ah

Xayawaanka dameerka iyo Maroodiga ayaa waxay astaamo u kala yihiin labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga dalka Mareykanka.

Sanadkii 1828  Adrew Jackson oo ahaa murashixii xisbiga Dimuqraadiga xilligaas, ahaana mid ka mid ah aasaasayaashii Xisbiga, ayaa waxa uu astaan ka dhigtay Dameer ol’olihiisa doorasho isagoo halku dhaggiisuna uu ahaa, “Shacabka aan u deynno xukunka”, isagoo markaa u arkayay iney ku habboon tahay ol’olihiisa doorasho, wuu ku guuleystay, waxaana u suurtagashay inuu Madaxweyne ka noqdo Mareykanka waliba labo xilli oo isku xigta inta u dhaxaysay 1829-1838. Sanadkii 1874 ayaa si rasmi ah Dameerku u noqday astaanta xisbiga Dimuqraadiga.

Maroodiga Jamhuuriga: In kastoo xisbiga Jamhuurigu uu isna si rasmi ah astaatiisa uga dhigtay Maroodi sanadkii 1874-tii ayaa haddana waxa uu astaanta markii ugu horreysay adeegsaday sanadkii 1860, xilligii ol’olaha doorashooyinkii uu ku soo baxay Abraham Lincoln iyadoo Maroodiga loola jeeday taageerada xoogga leh ee uu haysto Lincoln.

Astaana labada xisbi oo mar qura soo wada baxday sanadkii 1874tii ayaa waxaa ka dambeeyay sawir kaartoon uu labada xisbi ka sameeyay farshaxanle aad caan u ahaa oo la oran jiray Thomas Nast, kaas oo xisbiga Jamhuuriga Astaan uga dhigay Maroodi, halka xisbiga Demuqraadiga ahna uu Dameer ku astaameeyay.

doorashooyinka-mareykanka

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW