U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga Mareerey oo dib u soo laabtay kadib dagaalkii shalay

Sheeko:War

Saaka waxa dib u furmay isu-socodka gaadiidka wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareeray ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib shaqaaqooyin shalay ciidamo ka wada tirsan dowladda halkaasi ku dhax maray.

Dagaalkii shalay ka dhacay deeganada hoos taga degmada Afgooye waxaa ku naf waayay in ka badan toban qof , halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Ilaa   hada ma jiro wax xal ah oo laga gaaray sababaha dagaaladaasi ka dambeeyay oo salka ku haya dhigasho isbaaro.

Guddoomiyaha deegaanka Mareeray Jid Baalle Mayoow oo u waramay wariyaha Goobjoog FM uga soo warama Afgooye ayaa sheegay in saaka xaaladda ay ka degantahay sidii shalay, isla markaana gaadiidka dad weynaha iyo kuwa qudaarta qaada ay isticmaalayaan wadada xiriirisa Afgooye iyo Mareerey.

“Ma jiro wax ciidan ah ma joogaan wadada, waxaana dib u soo laabtay dhaqdhaqaaaqa ganacsiga deegaanka, waxaana xal buuxda ka keenni doonnaa dhinacyada ku dagaalamay deegaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Mareeray Jid Baalle Mayoow.