U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqyada Wajiga Labaad ee Dagaalka Al-shabaab oo Laga Dareemayo Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada dib u-xoreynta gobolka Hiiraan oo ku sugan inta badan gobolka ayaa bilaabay dhaqdhaqaayo ciidan, kaas oo looga golleeyahay wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda federalka in laga fulinaayo Galbeedka gobolka iyo deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa waxaa ay sigaar ah uga bilowdeen deegaanno hoos yimaada degamada Maxaas, iyadoo kulan looga arrinsanayo lagu qabtay degmada, sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada dhaca xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago gobollada Galgaduud iyo sidoo kale  Shabeellaha dhexe oo la daris ah.

Kulamada ay yeelanayaan cidanka dib u xoreynta gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka bilaabeen gobolka Shabeellaha dhexe deegaanno ka tirsan oo dhowaan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar iyo dagaallo kusoo qaadeen.

Goddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhowaan gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanno dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, isaga oo xusay in ay qaadi doonaan Wajiga labaad ee dagaalka dib u xoreynta dalka oo dowladduay  ku dhawaaqday.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo dhowaan gaaray  degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ciidanka dib u xoreynta ka dalbaday in ay garab istaagaan ciidanka dowladda si looga adkaado dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo ku sugan deegaanno ka tirsan Galbeedka gobolka Hiiraan.

Wajiga labaad deegal ka dhanka Al-shabaab ayaa waxaa ka qeyb ka noqonayo ciidamo ka tirsan dowladaha safka hore, kuwaas oo qaarkood dalka gudaha usoo galeen gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo ka socda dowladda Itoobiya, waxaana la filayaa in askar ka tirsan Kenya iyo jabuutiay gudaha u soo galaan.

Dowladaha safaka hore iyo dowladda federalka ayaa dhowaan go’aan ku gaaray in Al-shabaab si wadajir ah loola dagaalamo, waxaana ay ballan qaadeen in ay gudaha dalka u soo dirayaan ciidamo ka madaxbannaan howlgalka  nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATIMIS, oo kala socda dowladaha Itoobiya Kenya iyo Jabutti oo la daris ah.

Goobjoog News