U bood dhigaalka

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ay Goobjoog News ka helayso gobalka Gedo ayaa ku waramaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay halkaasi ka wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Ciidamo ka mid ah Itoobiya ayaa la sheegay in ay dhawaan kasoo tallaabeen dhanka degmada Doolow, kuwaasi oo wata dabaabaadka dagaalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadaan ay ku biireen ciidamo kale oo horay gobalkaasi ugu sugnaa, waxaana la sheegayaa in ay doonayaan inay u jiheystaan dhanka degmada Baardheere.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Gedo, kana gaabsaday magaciisa ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadaan ay yihiin kuwo u diyaarsan inay dhawaan ku dhaqaaqaan degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee Al-shabaab ka maamulaan gobalkaasi.

Dhaqdhaqaaqyo kuwaan la mid ah ayaa sidoo kale waxaa laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobalka Jubada Hoose, waxaana wada ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Xarakada Al-shabaab ayaa gobalada Jubada Hoose iyo Gedo waxa ay ka maamushaa deegaanno dhowr ah, waxaana dhawaan hogaamiyaha Jubbaland uu sheegay in ay qorsheenayaan duulaanno ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada weli gacantooda ka maqan.

Goobjoog News