U bood dhigaalka

Dhar Booliis-ka Soomaaliyeed Ah Oo Sharci-darro Lagu Sameeyay Ayaa La Qabtay

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, ciidanka Booliska Talyaaniga ayaa Arbacadii la soo dhaafay qabtay rag la sheegay in Soomaaliya u soo wadeen qalab.

Dadkan oo lagu qabtay dalka Talyaaniga ayaa la sheegayaa in ay yihiin shabakad arrinkan sharci-darro ugu shaqeysaneysay, welina lama cadeyn cidda ay xiriirka la leeyihiin iyo goobta ay u wadeen gudaha Soomaaliya.

Dadkii la soo qabtay oo ka koobnaa 4 Rag ah, ayaa 3-ka mid ah yihiin Soomaali, halka ninka kalena uu yahay Talyaani, waxaana laga qabtay Magaalada Florence, waxyaabaha la qabtay ayaa waxa loo ekeysiin karaa Dharka ay qaataan Booliska Soomaliyeed, sida ay Wakaaladfda Wararka Talyaaniga ee ANSA u sheegeen Booliska.

Kooxahan ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin ama ku tiirsan yihiin shabakad ka kooban Darawalo wada gawaarida Xamuulka iyo Wakiilada Shariikadaha Maraakiibta ee Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.