Dhibaatada Dhaqaale iyo Tan Siyaasadeed Ee Soo Gaaraysa Dalka Ingiriiska Haddii Uu Ka Baxo Midowga Yurub

Sandkii 1973-dii ayaa Ingiriisku ku biiray midowga Yurub, waxaanuu ka noqday dowladda ugu muhiimsan dowladaha xubnaha ka ah midowga oo gaaraya  28 dowladood, Ra’iisul Wasaare David Cameron inta uu madaxda ka noqday xukuumadda UK ayaa waxaa soo baxday in Ingriisku uu doonayo inuu wadahadal ka galo xubnimadiisa midowga Yurub amaba guud ahaan uu iskaga baxo midowga oo uu noqdo dowlad kaligii goonni u taagan.

Sanadka 2017 ayaa loo qabtay xilliga loo qaaday afti dadweyne in Ingiriisku ugu jiro midowga amaba uu uga baxo, iyadoo dadka khubarada ahna ay tilmaamayaan in ay suurogal tahay inuu Ingiriisku iskaga baxo midowga, gaar ahaan markii ay soo baxday ra’yi uruurintii ugu dambeysay oo ay ka soo baxday in inta badan dadka Ingiriisku ay taageersan yihiin iney iskaga baxaan midowga Yurub.

Sababta Ingiriisku u doonayo inuu uga baxo Midowga Yurub

Midowgu waxa uu noqday mid ay ku dareemaan culeys weyn dadka Ingiriiska ah, arrinkaas oo ay qabaan inuu waajib yahay in laga wada hadlo shuruudaha midowga, waana sida uu ku soo celceliyay ra’iisul wasaare David Cameron marar badan, marka uu sababeynayo doonista Ingiriiska ee ah inuu iskaga baxo midowga Yurub.

Cameron waxa uu doonayaa in Ingiriisku soo ceshado qeyb ka mid ah awoodaha Ingiriiska ee ka lumay, sida; Saacadaha shaqo, heshiisyada dhinacyada Ammaanka iyo is dhaafsiga dadka dambiilayaasha ah.

Sababaha kale ee Ingiriiska ku khasbaya iney go’aankaa qaataan waxaa ka mid ah, cabsi ay ka qabaan in dowladaha 17 ee Euro-ha isticmaalaa ay go’aanada masiiriga ah ay kaligood gaaraan, iyadoo khubaradu ay sheegayaan in midowga lacagta oo ay Ingiriisku ka maqan yihiin uu noqday goobta laga qaato go’aanada aasaasiga ah ee Yurub, go’aan kastaana waxa uu noqoday in lagala tashado iyaga, inta aan la geyn golaha guud ee Yurub, iyadoo Ingiriisku ay aaminsan yihiin in kobocii dhaqaalaha Yurub uu istaagay marka loo eego dhaqaalaha sida xoogan u kobcaya ee Shiinaha iyo Hindiya.

Sababaha ugu weyn ee kale; waa dadka muhaajiriinta ah oo ay la ciirciirayso dowladda Ingiriiska, waana sababta ugu weyn ee keentay iney kala qeybsamaan dadka UK u dhashay iyo dadka kale ee muhaajiriinta ah, waxayna u arkaan in shuruucda Yurub uga taalla dhanka muhaajiriinta iney tahay sababta ugu weyn ee ay dadku uga soo qulqulayaan Yurub, waxayna qabaan in muhaajiriintu ay saameyn ku yeesheen heerka nolosha iyo wada noolaanshiyaha bulshda.

«London Skoll of Economics» ayaa sheegtay in tirada dadka muhaajiriinta ah ee sharci darrada ku jooga dalka Ingiriisku uu gaarayo 864 kun oo muhaajir, oo sida ay sheegeen culeys weyn ku ah dhaqaalah iyo adeegyada bulshda sida; waxbarashada Caafimaadka iyadoo sanad kasta uu ku boxo kharash gaaraya 3,67 Bilyan oo Gini.

Ingiriisku waxay si cad u dalbadeen in la sameeyo qawaaniin lagu xakameynayo dadka muhaajiriinta ah ee ku soo qulqulaya dalka Britain ee ka imanaya dalalka kale ee Yurub isla markaana la xakameeyo xuduuda Ingiriisku la leeyahay dalalka kale, laakiin codsigoodaa lagama aqbalin

Khasaaraha Ingiriiska soo gaaraya Haddii uu ka baxo Midowga Yurub

Dhaqaalaha Ingiriiska waxaa soo gaaraya khasaarooyin farabadan haddii Ingiriisku ay Yurub ka baxaan, dhaqaalaha ayaa gaabsi noqonaya marka la waayo mudnaansiintii gacansiga ee shirkada Yurub, daraasad gaar ah oo la sameyayna waxaa lagu ogaaday in khasaaruhu gaari karo 224 Bilyan oo Gini.

Dhaqaale ahaan; waxay khasaarayaan Ingiriisku shirkada waaweyn ee raacsan midowga fursado shaqo oo lagu qiyaasay maalaayiin, sida ay sheegtay jariidada  “The Independent” ee kasoo baxda cariga Ingiriiska, waaxaha ay sida gaarka ah ay dhibaatadu u taabaneysaa xiriirka ay la leeyihiin suuqa mideysan ee Yurub kala dhaxeeya, waa maadada Kiimikalka iyo adeegyada maaliyadeed ee gawaadhida iyo waliba Farsamada Engineerinka, tusaale ahaan; shirkada gawaadhida soo saaraa waxay la kulmayaan dhibaatooyin; maxaayeelay maalgashiga ay shirkadahaasi helaan waxa uu ku tiisan yahay in Ingiriisku uu qeyb ka yahay Suuqa dhaqaalaha midawga Yurub.

Ciidan ahaan; dadka khubarada ah waxay sheegayaan in Ingiriisku uu waayi doono saameynta ciidan ee Adduunka, waxay hadda ku tiirsan tahay midawga, haddii ay ka baxdo saameyntii ay adduunka ku lahayd ayaa meesha ka baxaysa.

Siyaasad ahaan; sida ay qabaan dadka mucaaradka ah ee kasoo horjeeda in laga baxo midowga Yurub, Washington waa saaxiib muhiim ah oo siyaasadeed, waxay ku dadaali doonaan Maraykanku iney xiriirka fiican la yeeshaan Yurub, iyadoo kaalintii Ingiriisku uu meesha ka baxayo haddii uu ka go’ Yurub, iyadoo la ogyahay in Ingiriisku uu markasta xiriirka Yurub usoo maro dhanka Ingiriiska.

Dhibaatada Midawga Yurub soo gaareysa Haddii UK ay ka Baxdo Midowga

Jariidada The Daily Telegraph ee dalka Ingiriiska kasoo baxay ayaa tilmaamay; “Dhibaatadu waxay saameyn teeda ku yeelan doontaa midowga Yurub, maxaayeelay UK waa wadaayga ugu weyn ee dhanka gacansiga gobolka Euro-ha, waxaana la ogyahay in 4% waxsoosaarka Yurub uu Ingiriisku yahay”.

Madaxaweynaha ururuka Bertelsmann Stiftung, DJ ayaa sheegay in ” haddii Ingiriisku ka boxo Midowga ciyaar khasaartay ayay noqoneysaa dhinacyada oo dhan Yurub marka dhanka dhaqaalaha laga fiiriyo, gaar ahaan dhanka UK, iyadoon aanba la eegin dhibaatooyinka dhaqaale, waxaana dhaawac culus uu soo gaarayaa is dhameystirka Yurub, kaalinta Yurub ay dunida ku leedahayna arrintaasi way wiiqaysaa, in doorashada guud lagu xiro masiirka ka bixidda Midowga Yurub arrinkaasi waxa uu daciifinayaa midowga”.

Bertelsmann Stiftung oo ah urur dhaqaalah ka faallooda dalka Jarmalka ayaa daraasad uu sameeyay ku shaaciyay khasaaraha Jarmaalka ka soo gaaraya uu yahay 6.2 Bilyan oo Gini iyo 41 Bilyan oo kale haddii Ingiriisku uu ka baxo midowga Yurub, waxaa iyaguna khasare soo gaaryaa wadamada Ireland, Luxembourg, Belgium, Malta iyo Cyprus.

Ra’yiga Gudaha Ingiriiska ee Ka go’aan Gaarista Yurub

Cidda ka dambeysa in Yurub laga goostaa waa xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ee uu hoggaamiyo  Cameron, waxa uu ballan qaaday inuu soo celin doono miiska wadahadallada uu ku soo celin doono xubinimada UK ee midowga Yurub inta aan la gaarin Aftida dadweyne ee sanadka 2017.

Laakiin go’aankaa waxaa kaso horjeeda Axsaab badan iyo mu’asasaad gudaga UK ka dhisan, uuna ugu muhiimsan yahay xisbiga Dimuqraadiga ee xorta ee Mucaaridka ah, waxaan dhici karta ayay leeyihiin in tallaabadaasi ay caqabad ku tahay dib u kabsashada dhaqaalaha, waxaaney ku eedeeynayaa in xisbiga muxaafadka Cameron Hoggaamiyaa ay doonayaan in ay UK ka saaraan suuqa ugu weyn dunida.

Dhanka shacabka marka aad eegto, ra’yi uruurin la sameeyay waxaa sanadkii 2012 ra’yi ururin la sameeyay dadkii ka qeyb galay 56% ay u codeeyeen in midowga laga baxo, iyadoo ra’yi ururintii ugu dambeysay ay tirada doonaysa in midowga laga baxaa ay hoos u dhacday iyadoo gaartay illaa 51%, waxaana sameeyay mu’asasada ‘Servishn’ ee ra’yi uruurinada sameeysa.

Siinaariyowga la Filan karo

Ururka Cilmi barista Bertelsmann Stiftung ee dalka Jarmalka ayaa waxa uu sheegay sinaariyowga la fili karo sanadka 2030 haddii UK ay ka baxdo Midowga Yurub.

Siinaariyowga ugu wanaagsan; haddii UK ay ka baxdo midowga Yurub sanadka 2018, waa  Inay ku guuleystaan xaalad u eg tan ay haysato Switzerland isla markaana heshiiska dhaqaaluhu uu sii shaqeeyo dhanka midowga Yurub iyo UK.

Siinaariyowga ugu xun, in UK ay waydo heshiiska dhaqaalaha xorta ah, markaas khasaaraha soo gaaraya UK waxa uu taabanayaa dakhliga qof kasta oo UK u dhashay waxaana soo gaaraya hoos u dhac u dhexeeya 0.6%-2%  qof kasta, dhaqaalaha guud ee UK-na waxaa soo gaaraya khasaare lagu qiyaasay 224 Bilyan oo Gini, waana sida ay sheegayso cilmi baaristu.

W/D: Khadar Xuseen Maxamed

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW