U bood dhigaalka

Dhibaato Bini’aadannimo Oo Ka Jirta Koofurta Suudaan

Sheeko:Dalka

Stephen O’Brien oo madax ka ah hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan ban’’aadamnimada waxaa uu sheegayaa in 5 Milyan ay ku baahan yihiin Koofurta Suudaan.

Ninkan oo 3 maalin booqasho joogay dalka ugu da’da yar caalamka waxaa uu sheegaya in ilaa 300 ku dhinteen dalkaasi bishii July halka 1.6 million ay barakacayaal yihiin.

“Xaaladda Koofurta Suudaan waa khatar laakin waxaa laga cabsi qabaa in ay ka sii darto” sidaa waxaa sheegay Stephen O’Brien.

In ka badan  60,000 oo qof ayaa ka qaxay dalka Koofurta Suudaan iyagoo magangalyo u raadsaday dalalka dariska ah sida Uganda.

Goobjoog News