U bood dhigaalka

Dhibaatooyin Bini’aadanimo oo Ka Dhashay Buulo Burde oo Go’doonsan 8 Bilood (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ilmo yarDhibaatooyin waaweyn oo nolol xumo ah ayaa soo foodsaaray dadka ku dhaqan magaalada Buulo Burde halkaasi oo go’doonsan muddo 8 bilood ah tan iyo intii ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Duqa magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan Cismaan Geedi Raage ayaa Goobjoog u sheegey in illaa 7 carruur ah ay ku dhinteen magaalada gaajo darteed, islamarkaasina xaalada ay kasii dareyso maalin kasta.

“Waad garan kartaa dhibaatada ka dhalan kartaa magaalo aysan jirin meel ay wax oga soo galaan, oo xanuun jiro iyo cuno yaraan jirto” ayuu yiri duqa magaalada oo sheegey in magaalada ay go’doomiyeen ururka Alshabaab.

Wuxuu dowladda iyo AMISOM ugu baaqay in ay furaan wadooyinkii ay dadka wax oga iman lahaayeen, haddii kale waxa uu ka digey in ay dhici karto masiibo bini’aadanimo oo tan hadda jirta ka weyb.

Heshiis bil ka hor ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxa uu dhigayay in la furo wadooyinka xiran si go’doominta looga qaado magaalooyinka, islamarkaasina la helo meel gargaarka loo marin karo dadka ku nool halkaasi. Balse ma jiro wax heshiiskaasi ka fuley illaa iyo hadda.

Dhageyso

Goobjoog News