Dhibaatooyin Caafimaad Darro oo Ka Dhashay Biyihii Fatahaada Baladweyne oo Gurey

FatahaaddaMarkii ay fataheen labada wabi ee dalka mara ee kala ah Shabeele iyo Jubba, meelaha saameynta ugu xun ay fatahaada ku yeelatay waxaa ka mid ah magaalada Baladweyne halkaasi oo uu wabiga ka sameeyey fatahaad daran 20-kii bishii hore ee Oktoobar, taasi oo ay ku barokaceen illaa 28 kun oo qoys sida ay horey u sheegtey Qaramada Midoobey.

Haatan biyihii fataaha ku yimid waa ay sii gurayaan, dadkii barokacayna waxa ay isu diyaarinayaan in ay guryahooda ku laabtaan, laakiin waxaa soo fool leh dhibaato ka weyn tii fatahaada oo keeni kartaa in ay dad badan naftooda ku waayaan.

Sida uu kuso waramayo wariyaheena gobolka Hiiraan Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi Al-Cadaala, xaafadaha kala ah Xaawo Taako iyo Kooshin ee Baladweyne ayaa dadkii horey oga barokacay ee haatan ku laabanaya ay wajahayaan halis badan, waxaa ka mid ah kaneeco badan oo ka dhalay, islamarkaasina ku ukumo dhashay guryihii ay ku laaban lahaayeen.

Waxaa intaasi dheer musqulo badan oo biyaha ay dumiyeen, taasina ay ka dhalatay in boosaneerkii iyo biyihii ay dadka cabayeen isku milmeen, halkaasina laga filan karo cuduro badan oo dadka haleela.

Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka tirsan hey’adda Relief Internation oo u waramay wariyaheena ayaa sheegey in wax gargaar ah uusan wali gaarin dadka ay dhibaatada gaartay, gargaarkana uu yahay mar kasta mid soo daaha. Wuxuu sheegey in gargaarka ugu haboon ee dadka maanta u baahanyihiin uu yahay maro kaneecooyinka iyo dawooyinka lagula tacaalo duumada.

Wariyaheena ayaa guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Baladweyne Cabdi Faarax Daahir wax ka weeydiiyey waxa ay ka maamul ahaan shacabka u hayaa, wuxuuna ku jawaabay “Maamul ahaan wax hadda bakhaaro noogu jira oo aan dadka barri iyo saa’ dambe siineyno ma leh, laakiin rajo badan ayaan qabnaa, hawlaha aan mardhow bilaabaynana waxaa ka mid ah kormeer aan ku samayno xaafadaha, iyo sidoo kale in aan kaneecada ka buufino xaafadaha”.

Dr. Cumar Siyaad oo ka mid ah dhaqaatiirka Baladweyne ayaa isagu sharaxay cudurada dadka haleela, wuxuuna taxay cuduro ay ka midyihiin shuban biyoodka, Cudurada Caabuqa, cudurada ku dhaca neefmareenka maadaamaa qofka sanbabada ay wax ka gaarayaan iyo waliba duumada oo ka dhalata kaneecada.

Sidoo kale Axmed Maxamed Khaliif oo ka tirsan isbitaalka Baladweyne ayaa sheegey in la samayn karo ka hortag, sida in dadka loo sameeyo baraarujin, in loo qeybiyo maro kaneecooyin, in la hagaajiyo nidaamka biyogalinta xaafadaha oo la kala saaro boosaneerooyinkii dumay iyo keydkii biyaha ay dadka cabayeen.

Fatahaada wabiga ayaa sanad kasta dhacdaa hal mar, iyada oo sanad kasta dhibaatadan iyo mid la mid ah ay gobolka ka dhacdo, hadaba muxuu yahay xalku?

Su’aashaasi waxa uu wariyaheena Al-Cadaala hordhigey xeeldheere xagga maareynta iyo maamulka biyaha iyo beeraha Injineer Khaliif Idiris, kaasi oo qaba aragti wax ku ool ah oo aad u xoog badan.

Khaliif waxa uu qabaa in marka horaba ay tahay in la garwaaqsado sababta keenta fatahaada, taasina ay tahay wabiga oo keena biyo ka badan tankiisa “Wabiga isagoo markii horaba buuxey, ayaa waxaa ku darsamaya biyo kaga yimid laagaha iyo harooyinka, kadibna wabiga inta biyihii ka tan bateen ayuu ku qubayaa banaanka, waana taas sababta fatahaada keenta marka horaba” ayuu yiri.

“Xalka waa in la jeexo kaliyo uu wabiga ku neefsado, tusaale ahaan in la balaariyo kaliga Waraaboole oo la jeexo illaa lixdan kiilo mitir, kadibna loo sameeyo albaabo marka uu wabiga biyaha keenana la furo, marka ay biyaha yaryihiina la xiro si dadka ay biyaha oga faa’iideystaan” ayuu intaasi ku daray.

Xeeldheerahani waxa uu sheegey in wixii bulshada loosoo dhiibey ee wax loogu qaban lahaa ay kala goostaan maamulada iyo hey’adaha, isaga oo soo jeediyey in la abuuro mashruuc ay dadka maamulkiisa leeyahay, kana madaxbanaan hey’adaha iyo maamulada “Dadka aqoonta u leh waxan waa in loo dhiibaa, maamulkana ku ekaadaa nabad galyada” ayuu yiri khabiirka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in sidoo kale ay lagama maarmaan tahay in dadka shacabka iyaguna iskaashi ka sameeyaan arrinkani sidii lagu soo afjari lahaa dhibaatada soo noqnoqota.

 

Dhagayso

Goobjoog News

 

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW