U bood dhigaalka

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Baraha Bulshadu u leeyihiin Caruurta Yaryar

Sheeko:Caafimaadka

Culumo British ah ayaa xaqiijiayay dhibaatada caafimaad ee baraha bulshada u keenaan caruurta yaryar ee adeegsada maalintii wax ka badan 1 saac.

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Britain ayaa qaxiijiyay in wakhtibadan oo ay caruurtu ku qaataan baraha bulshada, sida Facebook iyo Twitter  ay u keenayso mushkilado dhanka caafimaadka nafta ah oo hoos u ridaya kalsoonida ay naftooda ku qabeen.

Daraasaddan cusub ee ay saynisyahannadu sameeyeen ayaa lagu xaqiijiyaya in “Wakhti ka badan Hal saac maalintii oo ay caruurtu ku qaateen baraha bulshada, ay yareynayso kalsaanida ay ku qabaan naftooda  14%, waxayna noqonayaan kuwo murugeysan sidii iney Labadooda waalid midkood la noolyihiin oo kale, saameynta taban ee dhanka nafta ilmaha yar waxay aad ugu sii daran tahay dhanka gabdhaha oo ay aad u saameyso”.

Culumada ayaa natiijadan gaaray kadib markii ay ra’yi uruurin ku sameeyeen 4 kun o caruur ah oo aadka ugu xiran baraha bulshada da’dooduna ay u dhaxayso 10-15 jir.

Goobjoog News