U bood dhigaalka

Dhibanayaasha Abaaraha Oo Sii Kordhaya, Dowladda Federaalka Iyo Hey’adaha Caalamiga Ah Oo La Dhaliilayo

Sheeko:Dalka

Hey’adaha samafalka caalamiga ayaa ku guul-dareystay caawinta malaayiin Soomaali ah oo abaaro ugu dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, dhibanayaal u badan caruur, haween iyo duqow ayaan helin gargaarkii dowladda federaalka iyo xataa midkii beesha caalamka.

Sidaa ay tahay dadka isma dhiibin, gurmad kala duwan oo fal-celin u ah xaalada abaareed ee ka jirta deegaano oo Soomaaliya ka mid ah ayaa ka socda dhulka ay abaarto ka jirto qaybo ka mid ah .

Deegaano ka tirsan gobolada Sanaag , Nugaal iyo Sool  oo ay ka taagantahay abaaro meelaha qaar ay dad u geeriyoodeen waxa waqtigan ka socda  dedaalo  ay wadaan dad iskugu jira ururo waddani ah,  arday , deeq-biyayaal  Soomaaliyeed, iyo dhakhaatiir  waxaanu qorshuhu yahay in waxii awood ah dadkaasi lala garab istaago sii noloshooda loo badbaadiyo.

Dadkan samo falayaasha ah oo intay  magoolooyinka ka baxeen  dhulka baadiyaha ah  gurmadka ku gaarsiinaya dadka tabaalaysan waxay safaro dheereen  u galeen  siday ku gaari lahaayeen iyaga oo sii maraaya dhul aan meelaha qaar jidadka loo maraayo socodka ku haboonayn.

Guddiyo isku xil saaray  gurmadka abaaraha ayaa iska  abaabulay  magaalooyin ay ka mid yihiin Garoowe  iyo Laascaanood, Maxamed Yuusuf Tigay oo ka mid ah guddida gurmadka abaaraha ee deegaanka Puntland   ayaa Goobjoog News  uga waramay  nooca ay tahay caawinta dadka abaaruhu saameeyeen loo gaysanayo

“  gargaarka dadka la gaarsiinayaa  waxa uu ka kooban yahay in marka hore biyo lagu dhaamiyey booyado  la siiyo dadka si wax looga qabto oonka haya madaama ay jiraan dad u geeriyooday haraad dartii , in dadka siday u kala jilicsanyihiin loo siiyo raashin , in caafimaad darrada ka dhalatay haraadka iyo gaajada laga daweeyo, iyo in xoolaha waxii ka sii nool loo daweeyo” ayuu ku sharaxay  gargaarka loo fidinayo dadka dhibaataysan

Dhallinyaro qaarkood ka yimaadeen deegaano ka durugsan dhulka abaaraha ayaa safaro u soo galay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaybinta mucaawanaadka la siinayo dadka , waxayna habeeno u hoyden dhulka baadiyaha ah ee dadka cunnada iyo biyaha lagu gaarsiinayo.

Magaalada Garoowe ardayda kala duwan ee wax ka bara goobaha waxbarashada waxay sameeyeen olole  ay lacago ugu ururinayaan  abaaraha  waxayna sidoo kale dhex mareen magaalada iyaga oo qofkasta  ka codsanaya inuu lacag dhan hal Dollar oo u dhiganta 23’000 oo  shillin Soomaali ah,

Dhallinyaradan oo ololahooda ugu magacday (galin qad oo quudi walaalkaa )

waxay sidoo kale dadka xaafadaha ka ururiyeen raashin loogu gurmanaayo abaaraha.

Gurmad ay hor kacayeen guddida abaaraha  ee fadhigeedu yahay Garoowe ayaa  deeqahan gaarsiiyey meelo ay ka mid yihiin deegaanka Ceel biixi ee  ka tirsan gobolka Sanaag  halkaasi oo ay  xaaladda dadku  ay aad u liidato   Maxamed Yuusuf Tigay oo xubin ka ah guddidaasi ayaa ka dayriyey waxay soo arkeen isaga oo sheegayna inaysan ku filnayn dadka  waxii loo geeyey balse ay u baahan yihiin gurmad dheeri ah oo ay bixiyaan cidkasta oo awoodaysa.

Ururada maxaliga ayaa  sidoo kale  ku wehelinaaya guddiyada iyo  shakhsiyaadka madaxa baabaan  ee  isku xil saaray sidii ay  dadkaasi ugu gargaari lahaayeen .

CHDO oo ah urur  ka shaqeeya deegaanada Sool ayaa   ka mid ah kooxaha   gacanta  siinaya dadka tabaalaysan , waxaanu  Samiir Siciid oo ah guddoomiyaha ururkaasi uu Goobjoog news u sheegay inay la kulmeen dad dhibaatooyin  adagi ay ka haystaan nolosha  oo degan inta u dhaxaysa magaalooyinka Laascanood iyo Ceerigaabo kuwaasi oo qaarkood intay deegaano ka durugsan ka soo hayaameen ka dibna ay tamartu u ogolaan waysay inay sii wataan safarkooda , waxaanu intaasi ku daray inaysan jirin wax  hay’addo caalami ah oo ka qaybqaadanaya taakulaynta dadka inkasta oo ay dhawr mar codsiyo u direen” waxaanu  gaarnay anaga oo gurmadka wadna deegaanada Taleex caryoolay Sarmaanyo  iyo Xallin oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood, dadku aad ayey u dhibaataysan yihiin ma haysnaa wax ay cunaan iyo waxay huwadaan toona , dadka soo guuray waxay ka yimaadeen dhammaan waxii ay dhaxanta ka  huwan lahaayeen oo dadku cilada ayey iska jiifaan , markaas in loo gurmado waa waajib” ayuu yiri Samiir oo ah guddoomiyaha ururkan  CHDO ee fadhigiisu yahay Laascaanood.

 

Caqabadaha  u badan ee soo waajahaya dadkan gurmanaaya waxa ka mid ah  gargaarka ay sidaan oo aan u filnayn dadka ay abaartu hayso iyada oo ay dadku inta badan isku ciriiryaan marka loo geeyo cunnada iyo waxii loo siday

ayna adkaato in loo qaybiyo madaama ay baahi badani haysato , iyo jidadka oo  ay adagtahay in ay baabuurtu si fudud u  maraan waxaanu sheegay Maxamed Shaqale oo ka mid ah kooxaha gargaarka ka wada deegaanka gobolka Togdheer in uu baabuur nooca waaraadka loo yaqaano ah oo ay ku sideen  raashin iyo cuntooyin loo waday deeganada qaar uu jid xumo darteed uga gaddoomay  taasi oo ay muddo ku qaadatay in ay heleen baabuur kale oo dadka gurmadka  gaarsiiya.

Dadka  ay abaaruhu ku dhufteen ayaa ku waramaya in marka la fiiriyo baahida ay qabaan  ayna wali muuqanin wax la taaban karo oo ay ka bedeshay noloshooda gargaarada soo gaaray ilaa hadda waana arrinay uga markhaati furayaan kuwa gargaarka siiyey laftigoodu , waxayna wali codsanayaan in gurmad la siiyo dheeri ah.

Abaarta ka taagan Soomaaliya oo deegaano kala duwan ku baahsan  ayaa waxa  jira deegaano aan wali iyagu helin gurmad noocnaba  waxaana ka mid ah dadka aan gurmadka helin qoysas tiro badan  ku nool deegaanada Teedaan , Reeqso , Coomaad  iyo Hees  oo kala hoos taga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan  ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Muumin Maxamed Xalane  Guddoomiyaha degmada Maxaas  oo la hadlaayey Goobjoognews  ayaa sheegay in dadkan oo noloshu ku adagtahay inay ka soo kala hayameen badankoodu gobolka  Galgaduud sida Cadaado , Dhuusamareeb ,  Ceel dheer iyo caabud waaq iyo qaar ka yimid gobolka Mudug,

“ dadkaasi duruufo kala duwan ayaa haysta  oo qaarkood xoolihii ayaa ka soo dhammaaday intay dhexda soo socdeen  manay helin cid wax siisa  waxaana ku jira  nin ii sheegay in uu soo rartay 300 oo neef saddex geedi oo uu soo galay ka dib waxa u soo hartay 17 neef oo kaliya,   waxaana idin caddaynayaa inaysan jirin wax la siiyey dadkaasi  oo cunno iyo waxqabad kale toona leh” ayuu yiri guddoomiyaha degmada  Maxaas.

Waqtiga abaartu jirtay oo sii kordhaaya ayaa sababaya inay xaaladda dadka ay abaaruhu haystaan gaar ahaan kuwa aan wali la  gargaar la gaarsiinin ay xaaladoodu sii xumaato  waxayna markasta diranayaan baaqyo ay ku codsanayaan in loo gurmado .

Si kastaba ha ahaatee, gargaarka socda sida aan sheegnay waa mid is xilqaamid ah, waxaan meesha ka maqan, gacantii hey’adaha samafalka caalamiga ah.

W/D: Cumar Serbiya.

img-20161204-wa0127
Maamo ku xoolo-beeshay abaarta dalka ka jira.
img-20161204-wa0017
Waa Geel Meel Abaar Ah Jooga Oo Biyo Loo Shubayo, Gobolka Sool.
img-20161204-wa0105
Booyad Biyo U Shubeysa Dadka Iyo Xoolaha Abaarta Ku Heyso Deegaanka Falleryaale, Gobolka Sool.
img-20161204-wa0062
Dhalinyaro cunto iyo hu’ u qeybinaya dad dhibaateysan
img-20161204-wa0040
Xoolo La Durayo
img-20161204-wa0058
Caruur La Tallaalayo
img-20161204-wa0131
Dad Raashin Saf ugu jira,

f aimg-20161204-wa0041 img-20161204-wa0012 img-20161204-wa0126 img-20161204-wa0099 img-20161204-wa0061 img-20161204-wa0039 img-20161204-wa0142