U bood dhigaalka

Dhicisow “Isboortiga Waxaan Ka Gaaray Heer Sare”

Sheeko:Cayaaraha

Axmed Maxamuud Dhicisow oo horay u soo noqday ciyaaryahan heerka labaad ee Soomaaliya ayaa mudo 15-sano ahaa xoghayaha guud ee kooxda Wasaarada Warfaafinta Madbacada Qaranka,wuuxuuna xiligaas kooxdiisa la gaaray guulo waaweyn oo ciyaaraha gudaha iyo dibadda.

“Intii aan ahaan maamulka kooxda Madbacada Qaranka waxaan gaarnay guulo taariikh ah waxaan soo saarnay xirfadlayaal badan oo magac iyo sharaf ku leh isboortiga Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Axamed Maxamuud Dhicisow.

Naadiga Madbacada Qaranka waxay ka mid aheyd kooxihii ugu adagaa kubbadda cagta xiligii berisamaadka waxaana ka baqi jiray Jeenyo,Horseed iyo Muqdisho City Club oo xiligaa ahaa kooxaha ugu dhaqaalaha badnaa Soomaaliya.

“Waxaan gaarnay in aan noqono naadiga ugu adag kubbadda cagta Soomaaliya,taasna waxay ku timid da’daalka maamulka iyo laacibiinta oo ay ka go’need horomarka iyo kor u qaadida magaca Madbacada Qaranka” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Maxamuud Dhicisow.

Dhiciosw wuxuu qoray mid ka mid ah buugaagta xiisaha badan ee laga diyaariyay taariikhaha ciyaartooyda kala duwan ee dalka, wuxuuna sheegay in hadafkii laga lahaa buugaas oo guulaystay.

“Idaacadihii dalka ku yaalay waxay aqrisan jireyn xogta ku qoran buuga Gool ee sharaxaad badan ka bixinayay xogaha faah faahsan ee xidigihii hore Soomaaliya” ayuu markale u sheegay Goobjoog Sports.

Kolkii aad booqata hooyga uu ka deganyhay Muqdisho Qoraa Axmed Dhicisow waxaa aad kuu soo jeedinaya buugaagta kala duwan ee ka hadlay Arrimaha bulshada,dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

“Buugaagta ku keedsan hooygayga waxa ay gaarayaan ilaa afar kun ,wixii dagaal ka dhacay dalkeena wax dhib iyo bur bur igama soo gaarin,taasna waxaa ku mahadsan Allah” ayuu Qoraa Axmed Maxamed Dhicisow u sheegay Goobjoog Sports.

Intii uu ka shaqaynay isboortiga wuxuu waayay saaxiibo qiimo badan oo u soo halgamay horomarinta ciyaaraha dalka maqaam sarayna gaaray,waxaana dadkaas ka mid ah ilaahay ha u naxariiso Aadan Yabarow Wiish iyo Faarax Wehliye Caddow ee darajo sare ka gaaray heerarka maamulka dalka iyo dibadda.

“Waxaan waaynay dad qiimo badan oo Soomaaliya gaarsiiyay meel sare waxaan eebe ugu baryeenaa in uu janadiisa Fardowso siiyo,balse waxaan ku da’daalay in guddoomiyihii hore Olimikada Soomaaliya Aadan Yabarow Wiish magaciisa aan la iloobin laguna magac daro garoonka kubbadda kolayga ee ku yaala degmada Cabdicasiis Alxamdullilaha ilaahay wuu nagu guulay maanta waxaa loo yaqaanaa “Wiish Stadium” ayuu Qoraa Axmed Dhicisow u sheegay Goobjoog Sports.

Wuxuu bahda isboortiga iyo dadka ka shaqeeya arrimaha ciyaaraha dalka kula dardaarmay in la wayneeyo magacyada qiimaha badan ee kooxaha Soomaaliya.

“Waxaan bahda ciyaaraha iyo maamulada isboortiga kula dardaarmayaa in la waynayneeyo magacayada kooxaha waaweyn ee dalka,isagoo intaa raaciyay in ay dhallinyarada la baro qiimihii ay la haayeen dadkii u soo halgamay magacayada ay maanta haystaan” ayuu hadalkiisa ku soo gaba -abeeyay Qoraa Dhicisow.

Daawo Waraysiga Qoraa Axmed Maxamuud Dhicisow Oo Dhameystiran