U bood dhigaalka

Dhimashada qaraxyada Maxaas oo korortay

Sheeko:Amniga

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waawayn oo ka dhacay degmada Maxaas maalinimadii shalay ahayd, waxaana tirada dhimashada iyo dhaawaca ay noqotay mid saacadba midda ka dambeysa sii kororta.

Inta la xaqiijiyay 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay qaraxyada ka dhacay Maxaas, halka tiro intaas kabadan ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaana waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dhaawacyada.

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sikastaba mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa sheegtay Ururka alshabaab, kuwaas oo deegaanka laga xureeyay sanadkii hore kadib hawlgallo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga, saaxiibada Soomaaliya iyo ciidamada dadka deegaanka ee u istaagay xoreynta deegaanadooda.

Goobjoog News