Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Dagaal Ka Dhacay Degmada Beledxaawo Ee Gedo

Faah Faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada maamulka degmada Beledxaawo oo qaab qabiil u abaabulan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay Iska horimaadkaasi, sidoo kalena dad ku dhaw 10 ayaa weerarkaasi dhaawac uu kasoo gaaray sida ay inoo sheegeen dad ku sugan degmadaasi.

Iska horimaadkaan oo la ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa hadana dadka qaar waxay inoo sheegayaan in degmada ay ka jiraan aanooyin la xiriira dhanka qabiilka.

Odayaal dhaqameed ku sugan degmada Beledxaawo ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan in lagu xalliyo xiisadaan ka jirta degmadaasi.

Shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo ayaa billaabay cabsi ku aadan in mar kale dushooda lagu dul dagaallamo, iyadoo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee degmadaasi aanu ahayn mid u socda sidii caadiga ahaa ee lagu yaqaanay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW