U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Guri Ku Dumay Dadkii Deganaa, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa geeriyootay Shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay guri ay deganaayeen kaasi oo ku yaalla deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Roob saacado badan socday ayaa la sheegay in sabab u noqday in gurigaasi dumo, waxaana dhammaan dadka waxyeellada soo gaartay yihiin dad isku qoys ah.

Qof ku sugan deegaanka Gandarshe ayaa u sheegay Goobjoog News in qofka geeriyooday Haweeney tahay, sidoo kalena dadka dhaawaca ah Saddex ka mid ah xaaladoodu tahay mid aad u daran.

Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay xarumo caafimaad, waxaana gurmad dadkani u fidiyey dadka deegaanka.

Magaallada Muqdisho iyo deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hose xalay illaa maanta waxaa ka soconaya roob aan kala joogsi lahayn.

Goobjoog News