U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Iska Hor Imaad Maanta Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid

Sheeko:Dalka

Wararka aynu ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir gaar ahaan Labaajada Mahad Alle oo u dhaxeysa Isbitaal Carafaat iyo Ceymiska ayaa sheegaya in laba gaari oo is eryanayay ayna kala saarnaayeen ciidan Hubeysan ay isku rasaaseeyeen halkaasi, waxaana goobta ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Mid ka mid ah dadka ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News in ay ka war heleen gaadiidkaan oo mid ka mid ah yahay Kaarib oo is eryanaya, hase ahaatee gaarigii la eryanaayay uu ku dhacay Balle, sidaasna ay ku bilaabatay is rasaaseynta.

Waxaa goobta ku dhintay Laba qof oo Labada dhinac ka kala tirsan, sidoo kalena waxaa dhaawacmay Laba ka mid ah ragii saarnaa gaariga la eryanayay.

Illaa iyo haatan warar rasmi ah lagama hayo wixii ay ahaayeen ragga saarnaa gaariga la eryanayay, balse goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah oo baaritaan wada.

Xaalad waa mid kacsan, waxaana dadka ku dhaqan halkaasi ay hadal hayaan dhacdadani, iyadoo weli arinkaan aanu wax war ah kasoo saarin maamulka degmada Yaaqshiid.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News