U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Madaafiic Lagu Garaacay Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaafiic sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa waabarigii saakay waxaa lagu garaacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maadaafiicdaan oo ahaa Hoobiyeyaal ayaa la sheegayaa in lala eeganayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Inta la xaqiijiyey waxaa duqeyntaasi ku dhintay 2 qof oo shacab ah waxaana dhaawac uu soo gaaray 7 kale.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa la sheegay in madaafiicda ay guryahooda ugu tagtay, waxaana sidoo kale halkaasi ka dhashay khasaare hantiyeed.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdaasi, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed aanu wax war ah kasoo saarin.

Hoos ka daawo sawirada

M6 M5 M4 M3 M2 M1

Goobjoog News