U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Qarax Bam Oo Lagu Weeraray Masjid Ku Yaalla Baladweyne

Sheeko:Dalka

Inta la og yahay 2 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 qofna waa ay ku dhaawacmeen qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Masjid ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masjidka oo ku yaalla dhinaca qorraxsinka ee magaaladaasi ayaa la sheegay in iyadoo salaadda cishaha lagu jiray lagu tuuray Bam gacmeed isla markaana halkaasi uu ka dhashay khasaarahan.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka magaalada Baladweyne waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan xaaladdooda caafimaad iyo sida ay qaraxa ugu waxyeeloobeen.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa masjidka qaraxa uu ka dhacay, kana badbaaday halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in mar qura ay ka war heleen qarax ka dhex dhacay masjidka.

Waxa uu tilmaamay in saaladda ay ku jireen xilli maskidkaasi qaraxa lagu soo weerarayey, islamarkaana dadka intii weerarka ka badbaadday ay qalqaleen.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Baladweyne weli wax war ah kama aanay soo saarin qaraxaasi.

Goobjoog News