U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Rasaas Ku Baxsatay Dad Shacab Ah Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Deegaan qiyaas ahaa la sheegay in 25 KM dhanka Koonfureed kaga beegan yahay deegaanka Bandiiradley ee gobalka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka dhacday rasaas sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Nin la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxaa la tilmaamay in rasaas ay ka baxsatay, taasi oo sababtay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Bashiir Cali Diini oo ah taliyaha saldhigga Booliiska ee Bandiiradley ayaa u sheegay Goobjoog News, inay ku baxeen deegaanka dhibkani uu ka dhacay, ayna soo xireen shaqsigii rasaasta ka fakatay, sidoo kalena Meydka iyo qofka dhaawaca ah deegaankaasi usoo qaadeen.

Waxa uu tilmaamay in shaqsiga rasaasta ka baxsatay la geyn doono maxkamadda Ahlu-sunna, islamarkaanan la eegi doono waxa uu noqdo xukunkiisa.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in hadii Odayaasha dhaqanka ay soo fara geliyaan arrinkaan laga yaabo in maxkamadda laga baaqsado oo ay wada shiraan dhaqanka.

Goobjoog News