U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Shilal Gaari Oo Ka Dhacay Gobalka Sanaag

Sheeko:Dalka

24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawaca waxa ay ka dhaceen deegaanno duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

Shilalkaan oo Laba ahaa ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay meel aan sidaa uga fogeyn magaalada Ceerigaabo, waxaana ay ahaayeen gaadiid rogmaday.

Wadarta guud ee dadka shilalkaan ku dhintay ayaa lagu sheegay 4 qof, iyadoo sidoo kale dhaawaca uu yahay 11, waxaana xaaladooda ay culustahay Laba ruux.

Wariyaha Goobjoog News ee Somaliland Nimco Baashe Cabdi ayaa soo sheegaysa in dhaqaatiirta Isbitaalka Magaalada Ceerigaabo ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku baxnaaniyaan dadkaasi dhaawaca ah.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay shilalkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Isbitaalka ay ku hayso daryeel la’aan maadaama aysan dhaqaatiir badan joogin, taasna ay sabab u tahay ka dib markii dhawaan la eryay dhaqaatiir badan oo halkaasi ka howlgali jirtay.

Shilalka sidaan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo laablaabtay deegaanada duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

Goobjoog News