U bood dhigaalka

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Shi Gaari oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Shil gaari oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii gaari uu ku rogmaday isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, gaariga ayaana ahaa mid Xamuul ah.

Shilka gaari ayaa waxaa uu yimid kadib markii wadaha gaariga la sheegay inuu xakameyn waayey gaariga oo uu fariinka goostay, waxaana uu ugu dambeyn ku rogmaday, halka loo yaqaano biyo dega degamada Kaaraan.

Waxaa inta la xaqiijiyey ku geeriyooday hal ruux oo ahaa wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen laba ruux kuwaas oo taagnaa wadada markii uu gaariga soo goostay fariinka, waxaana la geeyey goobaha caafimaadka.

Goobjoog News