U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Degmada Dhuusamareeb Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay 15 kale waa ay dhaawacmeen kadib markii magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgduud uu ka dhacay shil gaari.

Shilka ayaa yimid kadib markii Labo gaari oo mid ka mid ah uu ka yimid dhanka magaalada Dhuusamareeb halka kan kale uu ahaa mid ka tegay Muqdisho ay isugu dhaceen halka laga galo magaalada, waxaana dadka ku dhaawacmay ay u badnaayeen carruur iyo haween.

Dhaawacyadani ayaa isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus kuwaas oo dhammaantood la dhigay isbitaalka weyn ee Galgaduud ee magaalada Dhuusamareeb.

Dhaqaatiirta Isbitaalka degmada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan in dadkani lagu daweeyo.

Maamulka degmada Dhuusamareeb weli wax faah faahin ah kama aanay bixin shilkaasi dhacay, iyadoo shilalka sidaan oo kale ah ay horay uga dhaceen deegaanno ka mid ah goballada dalka.

Goobjoog News