U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Jarmalka

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegeen Booliiska dalka Jarmalka dad badan ayey waxyeello ka soo gaartay kadib markii ay isku dhaceen Labo tareen Magaalada Bavaria ee koofurta Jarmalka.

Booliiska waxaa uu intaa raaciyay in labada tareen isku dhaceen subaxnimadii talaadada, gawaarida gurmadka iyo hey’adaha gargaarka ayaa goobta si dhaqsiyo ah u gaaray.

8 qof ayaa shilkaas ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof oo 80 ka mid ah xaaladooda ay khatar tahay, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Dalka Jarmalka waxaa horay u soo maray dhacdooyinka ama shilal tareen sida shilkii January 2011-kii kaas oo 10 ku dhinteen Saxony-Anhalt, waxaa kaloo jiray mid kale oo dhacay February 2000 oo ay ku dhinteen 9 qof waxaa uu ka yimid Amsterdam waxaa uu u socday Basel iyo ugu dambeyn June 1998 xiligaas oo illaa 101 qof ay ku dhinteen tareen ka yimid Eschede  oo u socday Lower Saxony