U bood dhigaalka

Dhimasho Ka Dhalatay Roobab Ka Da’ay Goballada J/dhexe Iyo Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo gobalada Gedo iyo Jubada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay ka da’een roobab mahiigaan ah, oo sababay khasaare naf iyo maal isugu jira.

Deegaanada Ilbeerto iyo Jiwaarey oo ka kala tirsan gobaladaasi ayaa la sheegay in biyahii kasoo rogmaday roobabkaasi ay sababeen in carrurtaan oo jiifay ay la tagaan.

Hooyo dhashay Laba ka mid ah caruurta geeriyootay oo ku sugan deegaanka  Jiwaarey oo hoostagta degmada Saakow ayaa u sheegtay Goobjoog News, in si lama filaan ah ay biyo aad u xoogan kusoo galeen halkii ay deganaayeen.

“Roobkii shalay Toban Saac ka billawday deegaanka illaa hadda wey socdaan, Laba caruur ah ayaa aniga iga dhimatay, biyo badan baa aqalkii aan deganeen soo galay, guryahii wey naga burbureen, Meydadka caruurta meel aan ku aasno xitaa waan garan la’anahay, maadaama roobka iyo daadka uu yahay mid socda” ayeey tiri Hooyadaasi.

Goballo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka curtay roobabka xilliga deyrta ah, waxaana saameyn ay ku yeeshaan dad u badan reer Mii (Baadiye).

Goobjoog News