U bood dhigaalka

Dhinacyadii Ku Dagaalamay Deegaanka Saaxo Oo Loogu Baaqay In Miiska Wadahadalka Isugu Yimaadaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

SaaxoDhinacyadii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Saaxo ee duleedka gobalka Mudug ayaa loogu baaqay in ay nabadda qaataan, islamarkaana wixii ay kala tabanayaan ku xaliyaan miiska wada hadalka.

Nabadoon Maxamed Guuleed oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobalada Dhexe oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in aanay dan u ahayn shacabka degan Saaxo in dushooda lagu dagaalamo, ayna wax waliba ku haboontahay wada hadal in lagu xaliyo.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in ka wax garad ahaan ay u diyaar garoobeen sidii ay ku xalin lahaayeen dagaaladaan dhacay, waxaana uu sheegay in ay fidiyeen gogol nabadeed.

“Gogol nabadeed ayaan u fidinay walaalihii Saaxo isku gacan gaaray, waxaana hubnaa in dagaal dhibaato mooyee faa’ido aanu keenayn, waxaan rabnaa in shacabka ay gacanta is qabsadaan, dagaalkuna loo arko in deegaanka dhibaato uu u yahay” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Guuleed ayaa rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo xiisadaha ka jira deegaanka Saaxo, waxaana uu ku baaqay in baaqa Odayaasha loo hogaansamo, islaamarkaana miiska wada hadalka wax walba lagu xaliyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News