U bood dhigaalka

Dhismaha Safaaraddii Soomaaliya Ee Dalka Kenya Oo Dib Loo Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Muddo dheer ka dib ayaa safaaradii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa laga billaabayaa dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo dhulkii safaaradda oo dhowr sano kahor laga soo celiyay nin Hindi ah oo si sharci darro ah u iibsaday.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa si wadajir ah u dhegax dhigay dib u dhiska Safaaradda.

Munaasabadda dhagax dhigista safaaradda waxaa ka qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, wasiirro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya sida Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo kuwo kale, iyadoo sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Bagadi, Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabadda dhegax dhigaan oo shalay dhacday ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Ra’iisul wasaare Cumar iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Ra’iisul wasaaraha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin safaaradaan, waxaana u mahad celiyay ganacsato bixisay lacagta qaar ee dib u habeynta dhismaha safaaradda, waxaana uu ganacsatada kale ugu baaqay in kaalintood ay ka qaataan, isaga oo hoosta ka xariiqay in xukuumaddana ay kaalinteeda ka qaadaneyso dhismahani.

“Maadaama hadda lasoo celiyay dhismaha, maanta ay taagan tahay in dib loo dhiso, waxaan rabaa inaan shacabka u sheego in safaaradda ay iyaga leeyihiin, iyagana loogu adeegayo, waxaan rabnaa in ka xukuumad ahaan aan ka qeybqaadanno, inaan u mahad celiyo ganacsatadii lacagta uruurisay inta hartayna waxaan ugu baaqeynaa inay kaalin ka qaataan dib u dhiska saafaradda, qof walba oo Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran yahay inuu ka qeybqaato dib usoo celinta wejigii dowladnimada, waxaa la rabaa safaaradaheena inay meelaha ka muuqdaan, safaarado kale ayaa jira oo sidaan oo kale u dhagax dhigi donnaa, madaxweynaha waad ogtihiin waxa uu soo dhagax dhigay safaaradii Abu Dubai laga furi lahaa, waxaan rajeyneynaa in kuwii Yurub sidoo kale dib loo furo, dowladnimada maanta maalin ay ka roon tahay ma jirto” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale Safiir Jamaal oo isna halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in la dhegax dhigo dhulka safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, taas oo horay ninkii u dhacay ay kasoo celiyeen shaqaalahii safaaradda Soomaliya ee Kenya oo ugu horeeyay Safiir hore Maxamed Cali Ameeriko.

Waxa uu ugu baaqay safiir Jamaal in cid walba oo Soomaaliyeed ay kaalin xooggan ka qaadato dib u dhiska safaaradaasi.

Dhismaha iyo dayactirka lagu sameynayo safaaradii hore ee dalka Kenya ayaa muddo qaadan doonta, hase ahaatee waxaa meesha ka baxaya in danjirayaasha dowladda Soomaaliya ay dalka Kenya ay kusii shaqeeyaan guryo kiro ah.

Markii ugu horeysay dowladdii Soomaaliya 1969-kii ayeey Iibsatay dhulkani, waxaana xilligaasi dowladdu ay dhameystirtay sharciga iyo dhismaha safaaradda oo haatan burbur xooggan uu ka muuqdo.

Goobjoog News