U bood dhigaalka

Dhismaha Wadada Gaalkacyo Iyo Hobyo Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay kullan ballaaran oo looga hadlayey dhismaha wadada isku xirta magaaladaasi iyo degmada Hobyo.

Kulankaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen guddiga horumarinta iyo baraarujinta ee GOB aya waxaa kasoo qeybgalay bulshada Gaalkacyo, maamulka degmada, iyo sidoo kale ganacsatada ku sugan magaaladaasi.

Waxaa kulankan looga hadlayey sidii looga qeybqaadan lahaa dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo taasi oo sanadihii ugu dambeeyay ay ku mashquulsanaayeen guddiga iyaga iskood isku xilqaamay ee  GOB, waxaana wadadaasi lagu dhisayaa si iskaa wax u qabso ah.

Xubnihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa ku deeqay lacag si loo sii wada dhismaha wadadani.

Guddoomiyaha guddiga GOB C/qaadir Maxamed Shirwac ayaa faah faahin guud ka bixiyey halka ay mareyso dhismaha wadada, wuxuuna u mahad celiyey bulshadii ka qeybqaadatay yabooha lacagta loogu tala galay in lagu dhiso wadadaasi.

“Waxaa halkaan isugu yimid 150 qof si ay uga qeybqaataan howshaan culus, waxaa la go’aansaday in inta joogtaa ay yabooh u billaabaan inta aan imaan, yaboohan ayaa Labo qeyb noqday, qeybtii 1-aad baa maanta billaabantay, Labo qeyb kale ayaa dhimman oo ah in dad badan loogu tago goobahooda, hadii shaqaale, ganacsato intaba yihiin, waxaa dhimman in la is qoro oo lacag joogto ah la’isku qoro” ayuu yiri Guddoomiyaha GOB.

Guddiga GOB ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, taasi oo xilligaan meel wanaagsan mareyso, waxaana wadadaasi lagu dhisayaa si iskaa wax u qabso ah.

Goobjoog News