U bood dhigaalka

Dhismaha Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska oo Gebogebo ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay inay gebogebo ku dhowdahay dhismaha xarunta wasaaradda oo dhowaan dowladda Soomaaliya dayactir ay ku billowday.

Wasiirka wasaaraddaasi Engineer Saalax Sheekh Cismaan ayaa xusay in dowladdu ay howl badan galisay dhismaha xaruntani.
Dhinaca kale, wasaaradda ayaa maanta gaarsiisay xarun carruur darbi jiif ahaa lagu xanaaneeyo oo ku taalla degmada Cabdicasiis 100 Joodari oo carruurtaas loogu talagalay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda howlaha guud ay ku dadaalayso sidii ay ugu gurman lahayd dadka u baahan gargaarka, isagoo wasiir Saalax Joodariyadaas guddoonsiiyay maamulka xarunta Xuseen Sheekh Axmed Kadare.
Goobjoog News