U bood dhigaalka

Dhisme Bangi oo ay ku baxday $12 Malyuun oo Maanta Xariga Laga Jaray Hargeysa (Dhageyso + Sawirro)

Sheeko:Dalka

rrShirkadda Dahabshiil ayaa dhisme bangi oo weyn ka furtey maanta magaalada Hargeysa, waxaana dhismahani bangiga islaamiga ah ee Dahabshiil ku baxday illaa $12 malyuun oo doolar sida uu sheegey agaasimaha Shirkadda.

Agaasimaha Dahabshiil Cabdirishiid Dahabshiil oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegey in isagoo ku hadlaya magaca guddoomiyaha Dahabshiil Xaaji Maxamed Siciid in uu aad ugu faraxsanyahay furista dhismahani oo 7 sano lasoo waday, dhisteyna shirkad wadani ah. Wuxuu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in ay madasha ay joogaan dad illaa muddo 40 sano macaamiil usoo ahaa shirkadda.

Waxaa sidoo kale munaasabadda oo aad u balaarneyd ka hadlay madaxweynaha Somaliland oo Dahabshiil ku amaanay maalgalinta inta la e gee ay dalka ku samaysay, wuxuuna intaasi ku daray in aanan la halmaami doonin waxqabadka Dahabshiil.

Dhismahani ayaa noqonaya kan ugu weyn oo ku yaala dhul Soomaali degentahay Geeska Africa.

Dhageyso Hadalka Cabdirishiid Dahabshiil

Dhageyso Hadalka Madaxweyne Siilaanyo

 

DSC_0106

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DSC_0422

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DSC_0241(1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DSC_0206

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DSC_0365

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goobjoog News