U bood dhigaalka

Dhulgariir Ka Dhacay Turkiga iyo Dowladda oo Shaacisay Khasaarah Ka Dhashay

Sheeko:Caalamka

Dhulgariir aad u xoogan ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Golyaka ee gobolka Duzce ee Waqooyi Galbeed Turkiga.

Waxaa cabirkiisa lagu sheegay 5.9, kaas oo ka hooseeya sida horay loo saadaaliyay inuu dhici karo dhulgariir cabirkiisu yahay 6.1, dhulgariirka ayaa ku dhuftay magaalo 170km u jirta magaalada Istanbuul oo ah magaalada ugu weyne.

Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.

Mid kamid ah dadka ku suga gobolka Duzce ee uu dhulgariirku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay ku soo kaceen jugta dhulgariirka ka dhacay maanta  “Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn” sida uu yiri .

Gobolka Duzce ayaa waxaa lagu xasuustaa in ay ahayd goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano, waxaana ka dhashay khasaare badan oo shacabka gaaray.

Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad 1000 kun qof oo ku dhintay Istanbul, oo ah magaalo xeebeed, waxaa  ka taagan xaalad cabsi ah ay muujinayaan dadka shacabka oo digniino ay soo gaarayaan.

Goobjoog News