U bood dhigaalka

Dhulgariir sababay dhimasho oo ka dhacay Iran

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay halka inkabadan 800 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dhul gariir uu ku dhuftay waqooyiga dalka Iiran.

Wasiirka arrimaha gudaha Iran oo tagay gobalka Asarbayjan ayaa sheegay in uu saameyn wayn uu geystay dhul gariirka ku dhuftay gobalka iyo deegaannada agdhaw.

Dhul gariirka ayaa sidoo kale sababay burburka dhismayaal badan, dhimashada dad iyo dhaawac soo gaaray dadka deganaa gobalka.

Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaada in dhulgariirka cabirkisa uu yahay 5.9, cabirka lagu qiimeeyo dhulgariirada adduunka.

Goobjoog News